Home - Wararka Somalia - 3;qof oo aano qabiil loogu dilay Aadan yabaal

3;qof oo aano qabiil loogu dilay Aadan yabaal

Muqdisho:Ugu yaraan 3;qof ayaa ku dhimatay 3;kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii ay Malleeshiyo beeleed hubeysan rasaas ku fureen dadkaas.

Maxamuud Sheekh Xasan;oo ah Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal,ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in dabley hubeysan toogteen 3;q0f oo ka mid ahaa koox dad ah oo meel wada fadhiday.

Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in aano qabiil ay ka jirto degaankaas oo ay hadda maamulaan Al-shabaab,waxaana uu intaas ku daray in ka maamul ahaan ay wax ka qaban karaan xiisadda qabiillada u dhexeysa ee ka jirta halkaas.

Gobolka Shabeellaha dhexe,ayaa waxaa ku soo kordhay dilalka ku saleysan qabiilka waxaana dhowr jeer ay falal noocan ah ka dhaceen Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Gobolka Hiiraan dhanka ay sohdinta ka wadaagaan.