Home - Wararka Somalia - 5;Ruux oo ku dhimatay dagaal beeleed ka dhacay Xadka labada Shabeelle.

5;Ruux oo ku dhimatay dagaal beeleed ka dhacay Xadka labada Shabeelle.

Ugu yaraan 5 Qof ayaa ku dhimatay iyada oo tiro kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii ay dagaallameen labo malleeshiyo beeleed oo wada dega degaankaas.

Degaanka ay ku dirireen labada dhinac waxaa lagu magacaabaa Buulo Yarey,waxaana ay u dhaxeysaa Degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe.

Dadka dagaallamay ayaa isku heysta dhul beereed degaankaas ku yaalla,waxaana manta kaliya ay dagaallameen labo jeer.

Qof ka mid ah Dadka degaanka oo nala hadlay ayaa sheegay in Odayaasha degaanka ay isku deyayaan in ay xiisadda qaboojiyaan islamarkaana kala dhex galaan labada dhinac ee dagaallamaya.

Maleeshiyo beeleedka dagaallamaya ayaa ku badanaya labada Shabeelle iyada oo meelaha qaar ay siyaasad salka ku heyso halka kuwo kalena ay ku dagaallamayaan xoolo iyo beero ay leeyihiin.