Home - Wararka Somalia - Ahlu Sunna oo dib u fasaxday Wadihii gaariga Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.

Ahlu Sunna oo dib u fasaxday Wadihii gaariga Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.

Warar aan ka helnay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya in la xiray Darawalka iyo Gaariga Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey).

Saraakiil katirsan Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna ayaa Mustaqbal u xaqiijiyey in Xarigga uu yimid kadib markii uu soo baxay amar lagu mamnuucayo gaadiidka Muraayadaha Madoow.

Muran dhexmaray darwalka gaariga iyo ciidanka nabadgelyada ayaa sababay xarigga Wadaha gaariga, iyada oo uu jiray amar ku saabsan in aan gaadiidka leh muraayadaha madow ama (Beensalka) aan lagu dhex wadan karin Dhuusamareeb, Ciidamada amaanka ayaa faray in laga fujiyo, waloow ay sheegeen in Wadaha uu kahor yimid amarka lagu fiiqayo.

Ciidamada ayaa kolkii dambe Xabsiga ku dhaadhiciyey Wadaha, waxayna Saldhigga Geeyeen Gaarigii, waan waan kadib ayaa lagu guuleystay in wadaha iyo gaariga lasoo daayo.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa soo saaray warqad ay ku qodobeysan yihiin habka Amniga deegaanada maamulkaasi gaar ahaan Magaalada Dhuusa Mareeb lagu sugayo, sidoo kalane lagu xakameynayo Hubka.

Ciidamo kala duwan oo ka qaybqaadanaya sugidda nabadgelyada  ayaa lagu soo daadshay Magaalada Dhuusamareeb, waxayna sameysteen baro lagu baarayo Gawaarida.

Amarada Amniga waxaa kamid ah:- in aanan Magaalada lagu isticmaali karin Gawaarida Miyaaradaha Madoow, in la baaro guud ahaan Gawaarida iyo in aanan Hub lagu dhex qaadan karin Magaalada Marka laga reebo Ciidamada gaarka ah ee kahowl galaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*