Home - Wararka Somalia - Al-shabab oo saaka weeraray Bariirre

Al-shabab oo saaka weeraray Bariirre

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa saaka ku qaaday degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha hoose,halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Weerarka ayaa lagu qaaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo degaankaas ku sugnaa,dhinaca Al-shabaab  warbaahintooda waxaa ay sheegtay in Gaari ka mid ah kuwa Ciidamada dowladda ay ku gubeen dagaalkaas.

Dowladda Soomaaliya wali kama hadlin weerarka saaka ka dhacay Magaalada Bariirre ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana jira warar soo baxaya oo sheegaya in weerarkaas uu khasaare ka dhashay.

Al-shabaab waxaa au sheegeen in dagaalkaas ay khasaare ku gaarsiiyeen Ciidamada dowladda ee saldhigga Ciidamada ku leh Degaanka Bariirre.

Todobaadyadii la soo dhaafay Degaankaas waxaa ka dhacayay weerarro ay geysanayeen Al-shabaab,waxaana Ciidamada dowladda dhowr jeer khasaare labada dhinac ku gala gaaray dagaalkaas.

Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya Jen.Cirfiid ayaa dhawaan booqday Bariirre waxaana uu Ciidamada ku sugan Bariirre ugu hambalyeeyay sida ay ula dagaallamaan Al-shabaab oo uu sheegay in ay weerarro joogto ah ku hayaan Bariirre.

6 comments

  1. my knowledge. thanks admin

  2. This is my first time pay a visit at here and i am truly happy
    to read everthing at single place.

  3. Thank you a lot for sharing this with all of us you really understand what you’re speaking about! Bookmarked. Kindly additionally discuss with my site =). We could have a link alternate contract among us!

  4. Hello there! I recently discovered your site and I really enjoy it. I also want to focus on download garageband sometimes. Good to be here, regards!

  5. I am really enjoying the design of your blog. Do you ever encounter any kind of browser interface problems? Some of the blog audience have complained about my omega xl now blog not operating the right way in Internet Explorer yet looks fantastic in Firefox. Have you got any kind of tips to help correct the issue?

  6. Thanks a lot for sharing this with all of us you really understand what you are talking approximately! Bookmarked. Please also consult with my site =). We could have a link alternate arrangement among us!