Home - Wararka Somalia - Al-shabab oo sheegtay in tababare ciidan ku dishay Muqdisho

Al-shabab oo sheegtay in tababare ciidan ku dishay Muqdisho

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in Tababare ka tirsan Milatariga Soomaaliya ay saaka ku dishay Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Ninka la dilay ayey AL-shabaab ku sheegeen Maxamed Tima Jilic oo ka tirsanaa tababarayaasha Milatariga Dowladda Soomaaliya,kaas oo dilkiisu ka dhacay degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho.

Al-shabaab waxaa ay sheegatay in Rag iyada ka tirsan oo Baskoolado watay ay toogteen Timo jilic kana baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.

Xarakada Al-shabab ayaa dilal qorsheysan oo ka dhan ah Ciidamada dowladda Federaalka ah ka fulisa Muqdisho iyada oo dhawaan sheegatay dil sarkaal Boolis ah loogu geystay degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda amniga dowladda Federaalka ah ayaa iyana dhawaan sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Rag Askari ka mid ah Ciidamada dowladda ku dilay Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*