Home - Wararka Somalia - Al-shabab oo xukun gacan goyn ah ka fuliyay Tiyeeglow

Al-shabab oo xukun gacan goyn ah ka fuliyay Tiyeeglow

Tiyeegloow: Xarakada Al-shabaab ayaa labo nin ku fulisay xukun gacangooyn ah kaddib markii lagu helay in ay jabsadeen Dukaan ku yaallay Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool.

Labada Nin ee Xukunka  gacangoynta ah lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabaa Aadan Muxamed Nuur oo 42 Sano jir ah iyo Isxaaq Aadan Xasan oo 23 jir ah.

Xaakimka Al-shabaab ee Maxkamaddooda Baay iyo Bakool ayaa sheegay in Labada Nin ay xadeen lacag dhan 12 Milyan oo Shilin Soomaali ah.

Fagaare ku yaalla Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa saaka laga fuliyay Xukunka Gacan gooynta ah,waxaana la isugu keenay dad badan oo ka mid ah dadka degaanka.

Tobaadkii hore Al-shabaab waxaa ay labo Nin ku dileen degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan iyada oo mid ka mid ah Dhagax lagu dilay kaddib markii fal kufsi ah lagu helay halka kan kalena uu ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Dowladda ee Gobolka Hiiraan.

Ad

Fikirkaada ka dhiibo