Home - Wararka Somalia - AMISOM oo Wasiirro iyo Gudoomiyaha CAF u diidday Stadium Muqdisho

AMISOM oo Wasiirro iyo Gudoomiyaha CAF u diidday Stadium Muqdisho

Muqdisho: Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta waxaa ay hor istaageen Wasiirro,Wafdi ka socda Xiriirka Kubadda Cagta Afrika iyo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta in ay galaan Garoonka Muqdisho.

Wafddiga ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka dhallinyarad iyo Ciyaaraha,Wasiirka Amniga,Wasiirka Gaashaandhigga iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo uu la socday Guddoomiyaha xiriirka Kubadda Cagta Afrika Axmed Axmed oo maanta booqasho ku jooga Muqdisho.

Sababta ay AMISOM u diidday wafdiga ay booqdaan garoonka dedan ee Stadium Muqdisho wali lama sheegin waxaase jirta in AMISOM ay horay u diidday in la booqdo Garoonkaas.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kumadda Cagta,iyo Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa horay AMISOM uga dalbaday in ay ka guurto,waxaana kaddib wadahadal ay la gashay Dowladdii madaxweyne Xasna Sheekh ay oggolaadeen in ay banneeyaan walise kama guurin.

Wafddiga ka socda Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF iyo Wasiirrada ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa doonayay in ay booqdaan meelo uu ka mid yahay Garoonka maanta loo diiday.