Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Andres Iniesta oo go,aan ka gaaray mustaqbalkiisa ciyaareed.

Andres Iniesta oo go,aan ka gaaray mustaqbalkiisa ciyaareed.

Kabtanka Barcelona Andres Iniesta ayaa shaaca ka qaaday inuu go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa ciyaareed.

 

33 jirkaan ayaa qandaraas gaar ah u saxiixay kooxda hogaanka u heysa La Liga, waxaana loo sheegay inuu ka tagayo Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedkan.

 

Iniesta ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u shaaciyo go’aankiisa 30ka bishaan April, isagoo u dhaqaaqaya kooxda Tianjin Quanjian isagoo warkaas u xaqijiyay saxaafada.

 

“Waan ogahay waxa aan sameyn doono,” ayuu Iniesta u sheegay wargeyska Marca dib kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Valencia. “Marka aan sheego, waxaan dhihi doonaa, marka hore kooxdana, ka dibna tababaraha, kadibna qof walba oo kale, qof kastaa wuxuu dareema murugo marka uu katagayo kooxdiisa.

 

“Waxaan heystaa jacaylka iyo ixtiraamka taageerayaasha haatan iyo weligiiba, ma ahan wax iga beddeli kara maskaxdayda, waad ku mahadsantihiin, waxay daawadeen sanado badan, gurigeyga, maanta waan xasuustaa taageerada waxay i siiyeen tan iyo bilowgii. ”

 

Iniesta ayaa xirfadiisa oo dhan ku qaatay Barca, isagoo dhaliyay 56 gool isla markaana wuxuu caawiyay 141 gool 669 kulan oo uu saftay.

W/Q: (Maxamed Ahmed Lio)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*