Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Arjen Robben: Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga”

Arjen Robben: Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Fariistay Ciyaaraha Caalamiga”

W\Q: (Maxamed Ahmed Lio)  Kabtankii Netherland Arjen Robben ayaa xaqiijiyay inuu isaga fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib markii uu ku hungoobay inuu qarankiisa usoo saaro koobka Aduunka ee sanadka soo aadan la rajeynayo inuu ka dhaco Russia.

Arjen Robben ayaa dhaliyay laba gool kulankiisii ugu dambeeyay xulka qaranka Holland, markaas oo ay xalay guul 2-0 ku dileen Sweden ciyaar ka dhacday Amsterdam.

Netherland waxey u baahnaayeen iney sameeyaan xalay [Hawlgal aan suuragal aheyn] madaama looga baahnaa iney ku adkaadaan 7-gool si ay u xaqiijiyaan booskooda Play-offs-ka.

“Waxaan doonayaa inaan diirada saaro kooxdeyda oo kaliya”

Waa waqtigii ugu fiicnaa oo ay tahay jiilka xiga iney la wareegaan”

Arjen Robben isagoo 19-jir ah ayuu markii ugu horeysay kasoo muuqday qaranka Holland, bishii April 2003 kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen Portugal.

Wuxuu kasoo muuqday sadex jeer koobka Aduunka [2006 – 2010 iyo 2014] sido kalana wuxuu kasoo muuqday sadex jeer koobka qaramada yurub [2004 – 2008 iyo 2012].

Arjen wuxuu holland ka saacidya iney gaaraan final-ka koobka Aduunka sanadkii 2010, markaas oo ay qasaaro kala kulmeen Spain.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*