Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Arsenal oo guuleysatay welina hami ka leh kamid noqoshada Afarta sare.

Arsenal oo guuleysatay welina hami ka leh kamid noqoshada Afarta sare.

Kooxda Arsenal ayaa guul muhiim u aheyd gaartay kulan ka tirsanaa kulamada 33-aad ee horyaalka England Premier League kulan ay wajaheen kooxda Middlesbrough.

Alexis Sanches ayaa dhaliyay goolka hore ee kooxda Arsenal waxaana uu ahaa laad xor ah sidoo kale goolkaasi ayaa ahaa kii 19-aad ee uu horyaalka ka dhaliyo xilli ciyaareedkan.

Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa jiray fursado badan oo gool loo filan karay oo ay labada koox heleen waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1:0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Gunners.

Alvaro Negredo ayaa markii leysku soo laabtay qeybtii labaad ciyaarta oo socota kaliya 5 daqiiqo ayuu dhaliyay goolka bar-baraha ciyaarta.

Goolka uu dhaliyay Alvaro Negredo ayaa waxaa uu ahaa kii 23-aad oo ay Middlesbrough dhaliso kulamada horyaalka oo ay ciyaareen 32 kulan.

Mesut Ozil ayaa dhaliyay goolka guusha ee ciyaarta siiyay kooxda Arsenal kulankii xalay ee Middlesbrough ay wajaheen waxaana ay iminka kooxda Gunners kasoo gashay booska 6-aad kala sareynta horyaalka EPL-ka.

Ad

Fikirkaada ka dhiibo