Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Arsenal oo loo diwaan geliyay Rikoor kadib guul daradii Bayern Muncih.

Arsenal oo loo diwaan geliyay Rikoor kadib guul daradii Bayern Muncih.

Kooxda Arsenal ayaa guul darro 5:1 ah kala kulantay kooxda reer Germany ee Bayern Munich kulanka lugta koowaad wareega 16-ka ee tar-tanka Champions League.

Guul daradaas Arsenal waxa ay ka dhigtay inay noqdaan kooxdii ugu horeysay ee British ah ee laga dhaliyo 200 oo Gool tar-tanka Champions League taariiqda.

Arjen Robben ayaa hogaanka udhiibay kooxda Bayern daqiiqadii 11-aad , balse Alexis Sanchez ayaa wiilasha macalin Wenger udhaliyay gool loogu magac daray rajo soo celin.

Kooxda Martida ah ee Gunners bar-barahaas kadib waxaa ku adkaatay inay ka warceliyaan Goolal ka kala yimid xidigaha Thiago Alcantara oo 2 gool dhaliyay , Robert Lewandowski iyo Thomas Muller.

Guul daradaas ayaa sii murjineysa xaalada kooxda , waxaana uga sii daran inay Arsenal noqotay kooxdii ugu horeysay ee British ah ee gaarta Rikoorka ah in laga dhaliyo 200 Gool waayaha Tar-tamada Yurub.

  Mustaqbal Sports

 

Ad