Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Arturo Vidal oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha Caalamiga ah”

Arturo Vidal oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha Caalamiga ah”

W\Q: (Maxamed Ahmed Lio)  Xiddiga reer Chile ee Arturo Vidal ayaa ka fariistay u ciyaarista xulkiisa kadib markii ay ka hareen u soo bixida koobka adduunka ee 2018.

Brazil ayaa 3-0 uga adkaatay xulka Chile, kulankaas ayaana soo afjaray rajadii Chile ee u soo bixida koobka adduunka.

30 jirkaan ayaa go’aan saday inuu iska siibo kobihii uu ugu ciyaarayay xulka qaranka tan iyo 2007 markaas oo uu ka mid noqday xulka.

Arturo Vidal ayaa u saftay xulkiisa 99 kulan, wuxuuna u dhaliyay 23 gool isaga oo la qaaday laba mar Copa America.