Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - AS Monaco oo 17 sano kadib ku guuleysatay Horyaalka Ligue 1.

AS Monaco oo 17 sano kadib ku guuleysatay Horyaalka Ligue 1.

Kooxda AS Monaco ayaa ku guuleysatay horyaalka Ligue 1 France 17 sano kadib markii ay 2:0 kaga adkaadeen kooxda Saint-Ettiene.

Kulankaa ka hor xidigaha kooxda Monaco waxa ay ubaahnaayeen kaliya 1 dhibic si loogu caleema saaro hanashada horyaalka Faransiiska.

Kylian Mbappe ayaa 18 daqiiqo dhaliyay goolka koowaad ee kooxda Monaco waxaana ay aheyd caawin uu ka helay Captain Radamel Falcao.

Valere Germain oo badal kusoo galay ayaa dhaliyay goolka labaad daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta waxaana uu caawin ka helay Thomas Lemar.

Kooxda Monaco waxaa kuwada kulmay da’yar xirfad ahaan sareeya iyo da qibrad leh oo weerarka ah waana Radamel Falcao & Klian Mbappe.

AS Monaco markii ugu dambeysay oo ay ku guuleysatay horyaalka Ligue 1 France saf ciyaareedkeeda waxaa kamid ahaa Saddexdii France Fabien Barthez , Willy Sagnol & David Trezeguet.

Safkii kooxda AS Monaco ee kula soo guleystay horyaalka heerka labaad ee Ligue 2 waxaa iminka ka jooga kaliya Gool haye Danijel Subasic , Daafac Andrea Raggi , Qad Dhexe Nabil Dirar & Weerar yahan Valere Germain.

Ugu dambeyn waxaa guuleystay ololihii maamulka kooxda AS Monaco iyo ciyaar yahanadooda ay ugu jireen sidii ay mar un ugu guuleysan lahaayeen horyaalka Ligue 1 kadib 17 sano.