Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - AS Monaco Oo La Soo Wareegtay Goolhaye ka ciyaara Spain.

AS Monaco Oo La Soo Wareegtay Goolhaye ka ciyaara Spain.

Kooxda AS Monaco ayaa lasoo saxiixatay goolhayaha Osasuna Alvaro Fernandez si uu ugu tartamo booska Danijel Subasic iyo Diego Benaglio.

Fernandez, oo 19 jir ah, ayaa heshiis seddex sanno ah u saxiixay kooxda heysata horyaalka Ligue 1.

Xiddiga da’da yar ee reer Spain ayaa qandaraaskiisa uso dhamaatay   xilli ciyaareedkan

Wuxuuna si xor ah ugu biiray kooxda reer Fransa ee Monoco shalay galinkii danbe ayaa saxaafada loo soo bandhigay isagona warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu yiri

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku biiro AS Monaco, waa koox weyn oo ku guuleysatay horyaalka wadankeeda waan ku riyoon jiray inaan ka ciyaaro horyaalka Fransa  ” ayuu Fernandez u sheegay website-ka kooxda.

“AS Monaco waa mid ka mid kooxaha ugu weyn yurub waa koox uu ku riyoodo Da,yar kasta oo raba inuu hormar ka gaaro kubada cagta wax walba ayaa u huridoona kooxdeyda cusub ayuu hadalkiisa kusoo koobay Goolhaye Farnaandez.