Home - Wararka Somalia - Askar Israel ah oo lagu dilay Daanta Galbeed

Askar Israel ah oo lagu dilay Daanta Galbeed

Ugu yaraan labo ka mid ah Askarta Maamulka Israel ayaa ku dhintay iyada oo ay tiro kale ku dhaawacmeen kaddib markii weerar loo adeegsaday Gaari uu ka dhacay degaanka Jiniin ee ka tirsan Daanta galbeed ee dhulka Falastiin halkaas oo ay xoog ku heysato Israel.

Sidoo kale labo qof oo shacab ah ayaa iyaguna ku dhaawacmay iyada oo mid ka mid ah ay xaaladdiisu liidato sida ay qoreyso warbaabinta Israel.

Kacdoonka Falastiiniinta ayaa socda muddo 100 maalmood ah tan iyo markii uu Madaxweynaha Mareykanka shaaciyay in Magaalada Quddus tahay caasimadda Israel,waxaana Ciidamada Yuhuuddu ay xabsiga dhigeen  boqolaal Falastiiniyiin ah.

Milatariga Israel ayaa Twitter-kooda ku sheegay in   Alaa Rattab-a-Latif Kabha  oo 26 jir ah la dhigay Isbitaalka su’aalana la weydiinayo kaas oo ka dambeeyay weerarka sida ay sheegeen kuna dhaawacmay.

Avigdor Lieberman, oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Israel ayaa sheegay in Ninka weerarkaas loo xiray la dilayo sidoo kalena qoyskiisa lagala noqonayo warqadaha oggolaanshaha ah ee ay ku shaqeysan karaan.

7 comments

  1. Have yourself a very good day!

  2. Just desire to say your article is as surprising. The clearness on your
    publish is simply excellent and that i can think you’re an expert on this subject.
    Fine with your permission let me to seize your feed to stay updated with approaching post.
    Thank you one million and please carry on the enjoyable work.

  3. Hello, its nice piece of writing about media print, we all be aware of
    media is a impressive source of facts.

  4. Oh my goodness! Impressive article dude! Many thanks,
    However I am having issues with your RSS.
    I don’t know why I cannot subscribe to it. Is there anybody else getting the same RSS issues?
    Anyone that knows the solution can you kindly respond? Thanx!!

  5. very nice publish, i certainly love this web site, carry on it