Home - Author Archives: Media Director

Author Archives: Media Director

Abuu Mansuur oo dhiig ku deeqay dhaawacyada Weerarkii Muqdisho

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Manuus ayaa ka mid noqday dadka dhiiggooda ku deeqay dhibbanayaasha ay waxyeellada ka soo gaartay weerarkii 14kii Bishan ka dhacay magaalada Muqdisho. Abuu Mansuur waxaa uu booqday Xarunta Gurmadka Qaran ee Hargaha iyo Saamaha,halkaas oo howlaha gurmadka ah ee Ehellada Raadinaya dadkooda isku xirkoodu ka socdo. Madaxda ugu sarreysa Dowladda Soomaaliya ayaa iyaguna shalay shubayay ...

Read More »

Taliyaha Cusub ee Milatariga Somaliya oo maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidamada Milatariga Soomaaliya C/Wali Jaamaca Warsame ayaa maanta xilka Taliyaha Ciidamada Milatariga kala wareegaya Taliyihii hore ee Ciidanka Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid oo xilkan iska casilay Todobaadkii hore. Munaasibadda xilka kula wareegayo Taliyaha cusub oo ka socota Wasaaradda Gaashaandhigga Somaaliya ee Muqdisho waxaa ka qeybgelaya Xildhibaanno,Wasiirro,Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin kale. Taliye Cirfiid ayaa xilkan iska casilay todobaadkii ...

Read More »

Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamaya inta u dhaxeysa Afgooye iyo Balcad

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo taabacsan Xarakaada Al-shabaab ayaa ku dagaallamaya waddada u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan Gobollada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe. Dagaalkan waxaa uu billowday kaddib markii Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay fariisin ka sameysteen degaankaas,islamarkaan Ciidamada dowladda ay weerarka ku qaadeen saaka. Degaanka lagu dagaallamayo waxaa lagu Magacaabaa Daniga-Baallow waxaana uu degaan ...

Read More »

Diyaaraddii Turkiga soo diray oo qaadday qaarka mid ah dhaawacyada (Sawirro)

Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga qaaday qaar ka mid ah dhaawacyada halista ah ee ku waxyeelloobay Qarahii sabtigii ka dhacay magaalada Muqdisho. Diyaarad ay soo dirtay dowladda Turkiga oo ay la socdaan Wasiirka caafimaadka Turkiga, 27 Qof oo shaqaale Caafimaad oo dhaqaatiir,Kalkaaliyayaal iyo shaqaale kale isugu jira ayaa sooka soo caga dhigatay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Diyaaradda ayaa la ...

Read More »

Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Wasiirka Caafimaadka dowladda Turkiga iyo Wafdi la socda ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaana ay ka qeybqaadanayaan gurmada loo sameynayo dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii Sabtigii ka dhacay magaalada Muqdisho. Wafdiga Wasiirka waxaa Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho kus oo dhaweeyay mas’uuliyiin ka mid ah dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre. Ahmet Demircan; oo ah Wasiirka Caafimaadka ...

Read More »

D.Somaliya :Isbitaallada waxaa lagu wargelinayaa in aysan lacag ka qaadin Bukaannada

Dowladda Soomaaliya ayaa wargelin u dirtay  Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho ee la tacaalaya dhaawacyada qaraxii ka dhacay Muqdisho. Dowladdu waxaa ay Isbitaallada ka dalbatay in aysan lacag ka qaadin daweynta Bukaannada ku dhaawacmay Qaraxa,waxaana ay dowladdu sheegtay in lacagtaas ay dowladda damaanad qaadeyso. Xarunta Gurmadka dhexe ee ay dowladdu sameysay ayaa boggeeda Facebook ku sheegtay in dowladda Soomaaliya bixineyso ...

Read More »

Turkiga oo $10Milyan oo doollar ku wareejiyay dowladda Somaliya

Dowladda Turkiga ayaa $10 Milyan oo doollarka Mareykanka ah ku wareejiyay dowladda Soomaaliya.lacagtaas oo qeyb ka ah taageerada miisaaniyadeed ee dowladda Turkiga siiso Soomaaliya. Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa boggooda Facebook soo dhigay hadalkooban oo ay ku sheegayaan in dowladda Turkiga dowladda Soomaaliya ku wareejisay $10Milyan oo doollar. Turkiga waxaa uu miisaaniyadda ka taageeraa dowladda Soomaaliya waxaana uu bil kasta ...

Read More »

Hoggaamiyayaasha Caalamka iyo falcelinta Qaraxii Muqdisho

Kaddib Qaraxii Sabtigii ka dhacay Muqdisho ee ay ku dhinteen dadka ku dhow 300 Qof,ayaa waxaa soo baxaya waddamada tacsida u diraya Umadda Soomaaliyeed sidoo kalena cambaareynaya weerarkaas. Hoggaamiyayaasha Caalamka ayaa si isku mid ah uga jawaabay intooda badan weerarkii Soobe,waxaana ay ka simanyihiin tacsida iyo Cambaareynta iyada oo Waddamada qaar sida Turkiga ay soo direen diyaarado gargaar oo caawiya ...

Read More »

Dowladda Somaliya: 276 Qof ayey dhimashada mareysaa

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada dhimashada qaraxii Sabtigii ka dhacay muqdisho ee ay ku naf waayeen dadka tirada badan. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay xaqiijineyso in 276 Qof ay ku geeriyoodeen Weerarkii 14kii Bishan ka dhacay Isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho. Wasiir C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow waxaa uu sheegay in ...

Read More »

Madaxweyne Erdogan oo diyaarad qaadda dhaawacyada u soo diray Muqdisho

Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Deyib Erdogan ayaa Muqdisho u soo diray diyaarad wadda waddooyin iyo shaqaale caafimaad,taas oo sidoo kale marka ay laabaneysana Dalka Turkiga u qaadeysa Dhaawacyada halista ah ee ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga  Ibrahim Khaliil .,Diyaaraddan oo ay leeyihiin Milatariga Turkiga waxaa la socda shaqaale Caafimaad,waxaa kale oo ...

Read More »

Xubno ka mid ah G.shacabka oo Ruushka uga qeybgelaya shirka Baarlamaanka Adduunka

Dalka Ruushka waxaa ku sugan Xildhibaanno ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya,kuwaas oo Dalka Ruushka u tagay ka qeybgalka shirweynaha Baarlamaannada Caalamka ee shalay ka furmay Dalka Ruushka. Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya shirkaas waxaa ka mid ah; Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud,Xildhibaan Cali Axmed Jaama Jengeli,Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed iyo Xildhibaan Abdi Faarax Maax. Xildhibaannada ayaa waxaa sidoo kale ay ka ...

Read More »

Ku dhawaad 120; Meyd ah oo taalla Isbitaalka Madiina ee Muqdisho

Ugu yaraan 120 Qof oo Meyd ah ayaa la sheegayaa in ay yaallaan Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho,dhaawaca intaas waa uu ka badanyahay. Sidoo kale Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho waxaa la geeyay dhaawaca 127 Qof oo qaarkood la garan la’yahay,maamulka Isbitaalka ayaa soo bandhigay magacyada 127 Qof ee dhaawacooda uu yaallo Isbitaalka Digfeer,waxaana ay dalbanayaan in ehellada dadkaas ay Isbitaalka ...

Read More »