Home - Wararka Somalia - Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta billaabaya dhegeysiga Khudbadaha Musharrixiinta

Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta billaabaya dhegeysiga Khudbadaha Musharrixiinta

Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta dhegeysanaya Khudbadaha musharraxiinta u taagan xilka Madaxweynenimada Maamulka Hirshabeelle oo la filayo in doorashadiisu dhacdo sabtida soo socota.

Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa la filayaa in xildhibaannada ay dhageystaan Khudbadaha afar musharrax iyada oo berri oo Khamiis ahna ay dhegeysan doonaan afarta kale.

Sideedda Musharrax ee u tartameysa xilka madaxweynenimo ee Maamulka Hirshabeelle ayaa kala ah;

  • Cabdi Faarax Sharaawe Laqanyo.
  • Cabdikariin Cali Nuur.
  • Daahir Cabdulle
  • Maxamed Cabdi Waare.
  • Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed).
  • Cabdinaasir Shirwac Maxamed.
  • Maxamed Caruush Diirow iyo
  • Cabdiraxmaan Xuseen Caddow.

Xildhibaannada Maamulka Hirshabeelle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Madaxwyenihii hore ee maamulka HIrshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble,waxaana ay ahayd 14kii August,guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in 30 cisho gudahood lagu dooranayo madaxweynaha beddelaya Cosoble kaas oo ka imanaya beesha Cosoble ka soo jeedo.

Qorshaha doorashada Madaxweeynaha ayey ahayd in ay dhacdo 12kii Bishan oo shalay ku beegneyd hayeeshee Guddiga doorashada ayaa sheegay inw aqtiga ciriiri ku yahay sidaasna dib ugu dhigteen muddo afar maalmood ah iyaga oo kala tashtay Baarlamaanka Hirshabeelle.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*