Home - Wararka Somalia - Baasaboorka mideysan ee Afrika oo maanta sanad jirsaday,xagguu ku dambeeyay?

Baasaboorka mideysan ee Afrika oo maanta sanad jirsaday,xagguu ku dambeeyay?

Baasaboorka mideysan ee Qaaradda Afrika ayaa maanta sanad jirsaday kaddib markii ay adeegsigiisa isku raaceen Madaxda AFrika oo shir madaxeedkoodii 27aad ee Kigali ka dhacay Sanadkii hore.

Shirkii Kigali ee dhacay July 2016kii ayaa la iskula qaatay in la sameeyo Baasaboor mideysan oo ay yeelato Qaaradda Afrika,waxaana madaxdii ugu horreysay ee qaatay ka mid ahaa Madaxweynaha Dalka Rwanda Paul Kagame,oo shirkaas marti gelinayay iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika ahna Madaxweynaha Chad Idris Deby.

Madaxda Afrika ayaa xilligaas isku raacay in Baasaboorka soo saaristiisa ay billaabato Sanadka 2018ka ka horna qeybtiisa Diblomaatigga la siiyo Madaxweynayaasha AFrika,Wasiirrada arrimaha dibadda iyo diblomaasiyiinta sar sare.

Wali lama sheegin Dal ka mid ah Afrika oo billaabay hanaanka soo saaridda Boosaboorka Qaaradda Afrika,waxaana ay dood ka taagan tahay qaabka loo qaadamayo,Tirada Waddamada laga furayo xafiisyada bixinta Baasaboorrada iyo Fiisaha Afrika.