Home - Wararka Somalia - Baladweyn: Neefkii ariga ah waa $7 oo kaliya, WARBIXIN

Baladweyn: Neefkii ariga ah waa $7 oo kaliya, WARBIXIN

Baladweyn- Abaarta ka jirta qeybo badan oo kamid ah Gobolka Hiiraan ayaa saameyn muuqata waxa ay ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan Hiiraan, gaar ahaan dadka reer miyiga.

Saameynta la xusi karo waxaa kamid ah hoos udhaca xoogan ee kuyimid qiimihii la iibin jiray Xoolaha si gaar ah waxey saameynta heysaa Ariga oo neefkii la iibiniyo wax ka yar $7.

Suuqa ugu weyn ee lagu iibiyo xoolaha Gobolada dhexe waxa uu kuyaalaa Magaalada Blaadweyne, maka jiro wax ganacsi ah oo aad uxoogan maadaama aan la keenin xoolaha indhaha ay qaban karaan.

Mid kamid ah Ganacsatada iibisa Xoolaha ayaa Idaacadda Mustaqbal usheegay in Neefkii ariga ah uu haatan qiimihiisa udhexeeyo $4 ilaa iyo $7 , sababta waxa uu kusheegay in Neefku weyd yahay xiligan dadkina iibsaneynin.

Dhageyso Warbixin Wariyeheena Bashiir C/llaahi Cismaan nooga soo diray Baladweyn

      Z0000007 - My Recording