Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Barcelona oo ku dhaw saxiixa daafac Bayer u ciyaara.

Barcelona oo ku dhaw saxiixa daafac Bayer u ciyaara.

Barcelona ayaa waxay usii dhowaaneysaa in ay lasoo saxiixato difaaca Bayern Munich dhanka Bidix uga ciyaara ee David Alaba, waxaa sidaa warinaya Don Balon.

 

Barca iyo Real Madrid ayaa waxay ku tartami doonaan laacibkan, iyagoo ah kuwa ugu habboon ee qaadan kara 25-jirka dalka Austria, kaasoo lagu qiimeeyo in ka badan £70 milyan.

 

Sida ay wararku sheegayaan, Blaugrana waxay si walba u sameyn doontaa helidda Alaba, waxayna kooxdiisa kala hadleysaa Fa’iidada uu u leeyahay laacibkani ku biirista kooxdaas.

 

Horyaalka Dalka Spain waa midka ay tagaan ciyaartoyda ugu badan ee heerka Caalamiga ah, iyadoo kalsoonida ay markan ka qabaan qaadashada laacibkaas Alaba ay tahay mid aad u sarreysa.

2 comments

  1. very good publish, i definitely love this web site, carry on it

  2. Oh my goodness! an incredible article dude. Thank you However I’m experiencing subject with ur rss . Don’t know why Unable to subscribe to it. Is there anybody getting identical rss drawback? Anyone who knows kindly respond. Thnkx