Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Barcelona: Oo Man United Kula Loolameysa Saxiixa Antoine Griezmann”

Barcelona: Oo Man United Kula Loolameysa Saxiixa Antoine Griezmann”

W\Q: (Maxamed Ahmed Lio) Mustaqbalka xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa wali ah mid uu mugdi wayni ku jiro isaga oo dhamaadka xili ciyaareedkan ka bixi doona kooxda Deigo Simeone sida ahaa heshiiskii uu Atletico Madrid kula saftay markii ay FIFA suuqii xagaaga ka ganaaxday. Griezmann ayaa markaas doonayay in uu ku biiro Manchester United balse waxa uu si cad u sheegay in aan la joogin waqtigii uu Atletico ka bixi lahaa maadaama oo suuqa laga ganaaxay.

Laakiin Griezmann ayaa qaadanaya xili ciyaareedkiisii ugu danbeeyay ee Atletico Madrid waxaana la fahansan yahay in dhamaadka xili ciyaareedkan uu ku biiri doono koox kale, haddaba wargayska Don Balon oo dalka Spain ka soo baxa ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay haddaba diyaarsatay qandaraaskii ay xidiga ree France kula soo wareegi lahayd iyada oo waliba qorshaynaysa in Manchester United iyo kooxaha kale in ay kaga hor marto saxiixiisa.

Manchester United ayaa suuqii xagaagii la soo dhaafay bartilmaameedka kowaad ka dhiganaysay saxiixa Antoine Griezmann kaas oo mar u muuqday in uu Mourinho gacanta ku dhigay laakiin waxwalba waxay isbadaleen markii uu qaatay go’aankii uu amaanta kula kulmay ee uu kooxdiisa Atletico Madrid kula saftay markii suuqa laga ganaaxay maadaama uu dareemay in ayna badalkiisa heli karin.

Barcelona ayaa iyaduna xagaagi ila soo dhaafay ku fashilantay in ay Philippe Coutinho kala soo wareegto Liverpool laakiin markale maamulka Camp Nou ayaa doonaya in Coutinho ay ku laabtaan suuqa bisha January laakiin haddii ay awaoodi waayaan in ay Liverpool heshiis la gaadhaan waxay markaas go’aansadeen in Antoine Griezmann ay xagaaga oo ah dhamaadka xili ciyaareedkan ay la soo wareegaan.

Don Balon ayaa sheegay in maamulka Barcelona ay dareensan yihiin in kaliya uu waqti inaga xigo marka uu Griezmann ka bixi doono Atletico Madrid, sidaa daraadeed, waxay diyaariyeen qandaraaskii ay ku soo xerko galin lahaayeen xidiga ree France.

Barcelona ayaa wali suuqa ugu jirta sidii ay u soo buuxin lahayd booskii Neymar Jr kaas oo xili suuqii la soo dhaafay ku biiray kooxda  Paris Saint-Germain inkasta oo ay Barca lacag qaali ah kula soo wareegtay Ousmane Dembele balse waxay wali doonaysaa in ay soo qaadato xidig heer caalami ah oo kooxdeeda saamayn wayn ku yeelan kara.

6 comments

  1. There are awesome developments on the layout of this site, I honestly enjoy that. Mine is relating to kmspico download and certainly, there are a lot of stuff to be done, I’m yet still a starter in internet site design. Take good care!

  2. Greetings I’m so happy I found out this webpage, I basically discovered you by mistake, when I was looking on Yahoo for Arvind Pandit Kansas. Anyways I am here now and would really enjoy to say kudos for a wonderful article and the all round thrilling website (I furthermore love the design), I do not have enough time to browse it entirely at the minute though I have book-marked it and moreover added in the RSS feeds, so when I have plenty of time I will be back to read much more. Please do continue the great job.

  3. Ive by no means read something like this just before. So good to locate somebody with some original thoughts on this topic, really thank you for starting this up. this web page is some thing which is required on the net, a person with a small originality. valuable job for bringing something new towards the world wide web!

  4. My brother suggested I might like this blog. He was entirely right.

    This post truly made my day. You can not imagine just how much time I had spent for
    this info! Thanks!

  5. Way cool! Some very valid points! I appreciate you penning this article and
    also the rest of the website is extremely good.

  6. Amazing! This blog looks just like my old one! It’s on a entirely different topic but it has pretty much the same page layout and design. Great choice of colors!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*