Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Barcelona Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xaalada Ousmane Dembélé.

Barcelona Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xaalada Ousmane Dembélé.

W/Q: (Maxamed Axmed Lio) Kooxda Barcelona ayaa war fiican ka heshay qolka daawaynta kadib markii la xaqiijiyay in maalinba maalinta ka dambaysa uu tababarka buuxa ku soo laabanayo xiddiga reer France ee Ousmane Dembélé kaas oo dhaawac ku muqanaa muddo 3 bilood ah.

Xiddigan reer France ayaa Barcelona ku soo biiray isaga oo ah xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxda kadib markii uu Dortumnd kaga soo biiray lacag dhan 145 milayn oo euro.

Laakiin xiddigan ayaa nasiib u yeelan in uu kulamo badan u ciyaaro kooxdiisa cusub isaga oo uu dhaawac halis ah soo gaaray kulankiisii ugu horeeyay ee uu ku bilowdo horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa maanta si Rasmi ah u xaqiijiyay in uu xiddigan si buuxda ugu soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda isaga oo maanta si caadi ah tababarka ula qaatay xiddigaha ay isku kooxda yihiin.

Xiddigan ayaa qaliin ka maray muruqa lugta bidix bishii Septembar waxana uu markii ugu horaysay tababarka buuxa ee kooxda ku soo laabtay maanta.

20 jirkan ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo  ilaa bartamihii bishii September kadib markii uu dhaawac halis ah ka soo gaaray kulankii Getafe oo ahaa kulankii ugu horeeyay ee horyaalka ah ee uu ku bilowday shaxda Barcelona.

3 comments

  1. I just want to say I am beginner to blogging and site-building and absolutely savored your blog. More than likely I’m planning to bookmark your site . You surely have amazing stories. Regards for revealing your website page.

  2. I simply want to say I am beginner to blogs and absolutely liked your web blog. Probably I’m going to bookmark your site . You amazingly come with perfect articles. Appreciate it for sharing with us your web page.

  3. Undeniably believe that which you stated. Your favorite justification appeared to be on the net the simplest thing to be aware of. I say to you, I certainly get annoyed while people think about worries that they plainly do not know about. You managed to hit the nail upon the top and defined out the whole thing without having side-effects , people can take a signal. Will probably be back to get more. Thanks