Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Benfica oo ka adkaatay Borussia Dortmund xilli uu rigoore qasaariyay Aubameyang.

Benfica oo ka adkaatay Borussia Dortmund xilli uu rigoore qasaariyay Aubameyang.

Ciyaar yahan Kostas Mitroglou ayaa kooxdiisa Benfica siiyay goolka kaliya ay kaga adkaatay dhigeeda Borussia Dortmund lugta hore wareega 16-ka ee Champions League.

Labada koox ayaa sameeyay fursado ay gool ku dhalin kareen waxaana ay qeybtii hore ku kala nasteen bar-baro gool la’aan 0:0 ah.

Qeybtii dambe ee ciyaarta ayuu Gool dhaliyay ciyaar yahan Mitroglou waxaana uu ahaa kubad uu caawinteeda lahaa ciyaar yahan Luisao.

Kooxda Borussia ayaa heshay kubad rigoore aheyd daqiiqadii 58-aad qeybtii dambe ee ciyaarta waxaana ka qasaariyay weerar yahankooda Aubameyang.

Weearar iyo rogaal celis badan kadib , ugu dambeyn ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 1:0 oo ay ku adkaatay kooxda Benfica waxaana harsan kulan kale oo ay labada koox ku kulmayaan garoonka Borussia Dortmund ee Signal Iduna Park.

Ad

Fikirkaada ka dhiibo