Home - KGS - Biriq Caawa qof ku dishay Qoryooley.

Biriq Caawa qof ku dishay Qoryooley.

Wararka ka imaanaya Deegaanka Farxaane oo hoos taga Magaalada Qoryooley ayaa sheegaya in Biriq caawa ku dhacday Deegaankaasi ay dishay qof kamid ah dadka Deegaanka.

Qaar kamid ah Dadka Deegaanka ayaa Mustaqbal u sheegay in Roob Xooggan uu Magaalada ka da’ay, kadibna ay maqleen Dhawaqa Gugaca.

Wiilka ay Dishay Biriqda ayaa lagu sheegay in uu jiray 15-sano, xiligii ay ku dhaceysayna uu la socday Lo’ ay leeyihiin Waalidkiisa.

Dadka Deegaanka ayaa tagay Goobta, iyagoona kasoo qaaday Wiilka Geeriyooday, waxaana kolkii dambe qayooday (Joogsaday) Roobkii oo Muddo Deegaanka ka da’ayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*