Home - Wararka Somalia - Bollywood-ka oo Filim ka sameynaya Burcad Badeedda Somaliya

Bollywood-ka oo Filim ka sameynaya Burcad Badeedda Somaliya

Soo saaraha Filimada Bollywood-ka Siddharth Roy Kapur,ayaa saxiixay Kooxda sameyneysa Filim dhab ah oo laga sameynayo Burcad Badeedda Soomaaliya.

Vinil Mathew,waa Agaasimaha Filimkan halka Sudip Sharma,waa qoraha sheekada Filimka,waxaana Soosaaraha sharikaddiisa oo lagu magacaabo Roy Kapur Films,shaacisay in dhamaadka 2018 la daawan doono Filimka ay ka jilayaan Burcad Badeedda Soomaalida.

Filimkan oo ah sheeko dhab ah islamarkaana qabsatay Markab laga leeyahay Hindiya ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya Kabtanka Markabka Audumbar Bhoi ,iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Markabkaasi Ganacsi.

Kapur,ayaa yiri “sheekadan waa inoo gaar,waana mid aad u xiisa badan.muddo bilooyin ah ayaa ka shaqeyneynay horumarinteeda iyo isku dubbarudkeeda”.

“Waa dhacdo Run ah,oo ka dhacday Biyaha Soomaaliya,waxaana geystay burcad Badeedda Soomaalida ah,waxaa ka qeyb qaadan doona Dhallinyaro Hindi ah oo indhooda ku arkayay sidii ay u wajaheen xaaladda ku qabsatay Markabka Ganacsi ee ay la socdeen”.

“Waa sheeko aad u xiiso badan,waa safar cajiib ah oo dareen leh,waxaanu go’aansannay in uusan jirin qof uga wanaagsan  Vinil Mathew oo sheekadan qora,sidaas ayaan ugu dhiibnay,isaga ayaana qoraya”,ayuu sii raaciyey.

Waxaa kale oo uu yiri “Sudip waa nin yabooh badan,hal abuur le islamarkaana qoridda sheekadan aan u dhiibnay maaddaama uu kuwo hore oo faa’ido badan keenay sameeyay”.

Mathew, waa jiilka cusub,waxaa uu horay u qoray sheekooyinka kala ah,Hasee Toh Phasee,Sharma waxaa uu qoray isagana “NH10” iyo  “Udta Punjab”.

Filimkan waxaa uu soo bixi doonaa bartamaha 2018,waxaana inta badan ay ugu tala galeen in daawadaan qoysaska saameynta taban ay ku yeelatay afduubka Burcad Badeedda u geysteen Muwaaddiniin badan oo hindi ah kuwaas oo qaarkood gacanta Burcad Badeedda ku baxay halka kuwo kalena lagu bad baadiyay siyaabo kala duwan.