Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Borussia Dortmund oo ku fikireysa in hishiiska Batshuayi ay ka dhigto mid joogto ah.

Borussia Dortmund oo ku fikireysa in hishiiska Batshuayi ay ka dhigto mid joogto ah.

kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka ayaa doonaysa inay si joogto ah uga iibsadaan Chelsea Weeraryahankeeda Michy Batshuayi dhammaadka xilli ciyaareedkan, kaasoo ay hadda amaah ku haystaan.

 

Xiddiga xulka qaranka Belgium ayaa qaab ciyaareed sare ku bilowday waayihiisa Dortmund, kasoo dhaliyey saddex gool labo kulan oo uu ku soo bilowday safka hore tan iyo markii uu kooxdaas ku biiray maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga xiddigaha.

 

Madaxda BVB ayaa sheegay inay doonayaan in 24-sano jirkaan ay ku sii haystaan waqti dheer garoonka Westfalenstadion, si ay taasi u dhacdana waa inay wada iibsadaan oo ay xiddigan heshiiskiisa ka dhigaan mid joogto ah.

 

Batshuayi ma lahan wax heshiis ah oo qandaraaskiisa lagu burburin karo, inkastoo London Evening Standard ay soo jeedineyso in Dortmund ay wadahadal la fureyso kooxda Chelsea iyaga oo doonaya inay sii haystaan Weeraryahankan oo ay hesiiskiisa ka dhigaan mid joogto ah.