Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Buffon: Oo ku dhawaaqay in uu ka fariistay ciyaaraha Caalamiga ah”

Buffon: Oo ku dhawaaqay in uu ka fariistay ciyaaraha Caalamiga ah”

W\Q: (Maxamed Ahmed Lio) Kabid markii xalay laga reebay koobka Aduunka Azuuri Goolyahe Gianluigi Buffon waxa uu ku dhawaaqay in uu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah kaddib markii ay Italy u soo bixi waayeen Koobka Aduunka.

Halyeyga waxa uu hore u sheegay in uu doonayey ka fariisiga ciyaaraha caalamiga ah marka uu dhammaado tartanka Russia oo uu ku matali karay Azzurri.

Hase ahaatee,isaga oo aan gaarin ayuuba si niyad xumo ah u laalay kabihiisa kaddib markii ay 0-0 la daafi waayeen Sweden oo isku darka (Play-off-ka) uga badisay 1-0.

Waa markii ugu horreeysay ee ay Italy (Oo qaaday afar Koob Aduun) ka harto ka soo qeybgalkaiisa tan 1958.

Rugcadaaga Juventus aad ayuu uga xumaaday sida uu waayihiisa qaranka ku soo idlaaday.

“Waa niyad jab,” ayuu Buffon u sheegay Rai Sports isaga oo dagaal ugu jira celinta ilmo.

“Aniga iima aha,laakiin dhaq dhaqaaqa Kubadda Cagta,maxaa yeelay waxaan ku guuldarreysanay wax qaranka aad muhiim ugu ahaa. Taasi waa qoomada qura  ee leeyahay mana aha sababta in an soo gunaanadayo waayahagayga, maxaa yeelay waqtiga wuu gudbaa.”

One comment

  1. I have checked your page and i’ve found some duplicate content, that’s
    why you don’t rank high in google, but there is a
    tool that can help you to create 100% unique content,
    search for: Boorfe’s tips unlimited content

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*