Home - Amaanka

Amaanka

Taliska Ciidanka oo maanta la wareegay Xeradii Imaaraadka ee Muqdisho

Abaanduulaha Ciidanka xoogga Dalka Cabdullahi Cali Caanood oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Taliska Ciidanka ay la wareegeen Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Jeneraal Gordon ee Magaalada Muqdisho. Abaanduuluhu waxaa uu sheegay in Xerada Jeneraal Gordon ay hadda kaddib noqoneyso dugsiga tababarka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Saraakiishii Imaaraadka ee xeradaas ku tababarayay Ciidanka ayuu sheegay in ay ...

Read More »

Gaas oo u dhoofay Imaaraadka

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo Wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta. Gaas ayaa safar qaadan doona afar cisho, wuxuu ku joogi doonaa Magaalada Abu Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi. C/wali Gaas oo Suxufiyiinta kula hadlay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa wuxuu sheegay ...

Read More »

Xuutiyiinta Yemen oo Imaaraadka uga digtay faragelinta Somaliya

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama Dalka Yemen ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay cambaarenayaan faragelinta dowladda Imaaraadka Carabta ay ka waddo Soomaaliya. Farriin uu Twitter-kiisa ku daabacay Hoggaamiyaha Xuutuyiinta Maxamed Cali Al Xuuti ayuu ku sheegay in Imaaraadka aysan xusuusan casharka lama illaawaanka ah ee shacabka Soomaalida ay u dhigeen Mareykanka,waxaana uu sidoo kale sheegay in inta ...

Read More »

Waa imisa Gaadiidka dagaal ee uu Ruushka geynayo Saldhigga uu ka dhisayo Saylac?

Dowladda Ruushka waxaa ay wadahadal kula jirtaa Maamulka Somaliland,waxaana ay dooneysaa in ay saldhig Milatari ka dhisato magaalada Saylac ee Gobolka Awdal. Magaaladaas waxa ay ku taalla Badda Cas,waxaana ay isu muuqdaan Saldhigyada Waddamo shisheeye ku leeyihiin dalka Jabuuti,waddamadaas waxaa ka mid ah mareykanka,France,Jaban, China iyo kuwo kale. Ruushka oo ballaarinaya awooddiisa dhinaca Dibadda ah ayaa waxaa uu hadda qorsheynayaa ...

Read More »

Uganda oo beenisay in ay ciidan u direyso Yemen

Dowladda Uganda ayaa beenisay in ay Ciidamo u direyso Dalka Yemen si ay beddel ugu noqdaan Ciidamada Dalka Suudaan ee la sheegayo in ay ka baxayaan Isbaheysiga uu Sucuudiga hoggaamiyo ee ka dagaallama Dalka Yemen. “Ma jiro wax wadahadal ah oo ay dowladda Uganda kula jirto Imaaraadka si Ciidamada Uganda loogu diro Dalka Yemen” ayuu yiri Wasiiru dowlaha xiriirka Dibadda ...

Read More »

Kenya oo soo bandhigtay magacyada 3 qof oo ay sheegeen in ay ku biireen Al-shabab.

Dowladda Kenya ayaa shacaisay magacyada saddex Qof oo Kenyaan ah kuwaas oo ay sheegeen in ay ku biireen AL-shabaab. Booliska Kenya ayaa soo bandhigay magacyada saddexda qof oo ay sheegeen in ay baadi goobayaan islamarkaana  abaalgud siinayaan cidda soo sheegta xogtooda. Madaxa xiriirka Booliska Kenya Charles Wahong,ayaa sheegay in saddexda Nin ay ka baxeen Gobolka lagu magacaabo Milindi,kuna biiray Al-shabaab. ...

Read More »

5; Askari oo ku dhimatay duleedka Balcad

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Gaari ay la socdeen Ciidanka Dowladda Somaliya. Weerarka oo ka dhacay Ilbaq oo dhanka Waqooyi ka Xiga Deegaanka  Gololeey Ee Degmad Balcad ayaa yimid kadib makii Gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidan ka tirsan Miatariga Somaliya ay rasaas ku ...

Read More »

Korneel Cabdinuur Jaamac oo ka hadlay Habka loo dhisi karo Ciidamada badali kara AMISOM.

Korneel Cabdinuur Jaamac oo kamid ahaa Saraakiishii Dowladii dhexe ee dalka oo la hadlay Mustaqbal Radio ayaa sheegay in habka loo dhisi karo Ciidamada Dowladda ee shaqada kala wareegayo howlgalka AMISOM ay tahay in lasoo uruuriyo Ciidamada ku sugan Gobolada Dalka. Habka loo marayo qorshaha Dhismahooda waxa uu ku sheegay in la siinayo Tababar guud, lana barayo Qiimaha uu leeyahay ...

Read More »

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay Xiriirka ka wada dhaxeeyo.

Xiriir dhanka Telefoonka ah oo dhexmaray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ayay kaga wada hadleen Xoojinta Xiriirka Walaaltinimo iyo Kaalmada Xukuumadda Qaahira ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka wada dhaxeeyo labada dal. Bisaam Raadii oo ah Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Masar ayaa sheegay in Cabdifitaax Al-Siisii iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay wada yeesheen Xiriir Telefoon, ayna ugu wada hadleen Xaaladda ...

Read More »

Hargeysa: Qof ku dhintay Daad qaaday Gaari uu la socday

Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa kaddib markii Gaari uu wade ka ahaa uu daad ku qaaday dooxa Aw-Barkhadle ee Bariga Hargeysa. Guddoomiyaha Tuulada Aw-Barkhadle ,Mahad Maxamuud Gaheyr ayaa sheegay in Gaari nooca Waaraadka ah oo ka baxay Berbera uu Daad ku qaaday duleedka Hargeysa. Gaariga ayaa waday Khudaar uu ...

Read More »

J.hoose: Al-shabab oo sheegtay in ay dagaal kula wareegen degaanka Qooqaani

Xaraakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay dagaal kula wareegtay degaanka Qooqaani oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose. Al-shabaab waxaa ay sheegeen in ay dagaal kula wareegeen degaankaas iyaga oo halkaas kula dagaallamay Ciidamada Maamulka Juballand iyo kuwa Kenya ee ku sugnaa degaankaas. Waxaa ay intaas ku dareen in Ciidamada Maamulka Jubaland ay dagaalka kaddib aadeen degaan duleedka ...

Read More »

Al-shabab oo sheegatay dil maanta ka dhacay Muqdisho

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in ay Magaalada Muqdisho ku dishay sarkaal ka tirsanaa Millatariga Soomaaliya,kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Jarane. Al-shabaab waxaa ay sheegteen in Ciidan iyaga ka tirsan ay weerar ku qaadeen goob u dhow xaruntii hore ee Warshadda Baastada ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada Dowladda ee ku sugnaa goobta ayey rasaas isdhaafsadeen iyada oo kaddibna ay goobta ka ...

Read More »