Home - Banaadir

Banaadir

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo Deeqo Waxbarasho ka helay Dowlado kala duwan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada, Hiddaha Tacliinta sare Soomaaliya Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dalal kala duwan ka heshay Deeqo Waxbarasho oo Bilaash ah. Dalalka Ruushka iyo Hindiya Waxbarasho bilaash ah oo ay ka heleen ayuu sheegay in ay ku bixiyeen sida ay ardayda ugu kala sareeyeen Kaalmaha Waxbarashada. Faysal waxa dhanka kale sheegay ...

Read More »

Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ku dhaawaqay Jadwalka Doorashada.

Guddiga qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo saaray Jadwalka uu ku howlgalayo Guddigooda ee la xiriirta Doorashada, Diiwaan gelinta iyo Waqtiga Musharixiinta ay Khudbadahooda jeedinayaan. Doorashada ayaa la qaban Doonaa 30-ka April oo ku beegan Maalinta Isniinta ee Todobaadka Dambe, Tartamayaasha ayaa is diiwaan gelin doono Isniinta iyo Talaadada 23-ka iyo 24-ka April. Halka Musharixiinta Khudbadaha waxqabadkooda hadii la ...

Read More »

SAWIRRO: Janaraal Gorod oo booqday Xerada Janaraal Gordon.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen.Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa kormeeray galabta xerada Gen.Gordan oo ay dhowaan ka baxeen Imaaraadka, taliyaha ayaana khudbad u jeediyay ciidankii ay Imaaraadku gacanta ku hayeen, wuxuuna sheegay iney ka mid yihiin ciidanka xoogga dalka isla markaasna uu waajibaad ka saaran yahay difaaca dalka, dadka iyo diinta. Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay iney muhiim tahay ...

Read More »

Weerar Caawa ka dhacay Degmada Warta Nabada.

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo Fiidnimadii Caawa lagu qaaday fariisin Ciidanka Dowladda ay ku lahaayeen Xaafada Xamar Jadiid ee Degmada Warta Nabadda. Kooxo hubeysan ayaa Bambo ku weeraray halka loo yaqaano Suuq Yaraha Sarguduuda, Waa meel aad umashquul badan oo ay dhalinyarada buux dhaafiyeen, Waxaana shalay fariisimo cusub ka sameystay Ciidanka Caawa la weeraray kuwaas ...

Read More »

Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka oo doortay Gudoomiye, Kuixgeen iyo Xoghaye.

Guddiga loo xil saaray Doorashada Gudoomiiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa goordhow doortay Gudoomiye, Kuxigeen iyo Xoghaye. Guddigan oo ka kooban 15 Xubnood ayaa kulankoodii uhoreeyay waxey ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo kulankooda ay goob joog ka ahaayeen kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka iyo Qaar kamid ah Maamulka Baarlamaanka. Doorashada Gudoonka kadib, waxaa lagu dhawaaqay ...

Read More »

Sen. Qeybdiid “Gobolka Banaadir inta uu ka maqan yahay, Wax badan ayaa maqnaanaya”.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka Labada Gole ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu Muhiim u yahay Geedi socodka howlaha lagu qabyo tirayo Dastuurka Dalka. Waxa uu sheegay in inta Maqaamka Caasimadda uu maqan yahay aanan horu-socod yeelan doonin qorshaha lagu doonayo in Dastuur aanan KMG aheyn la sameeyo. Gudoomiye Qeybdiid ayaa soo jeediyay in Xubno ka socda ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Sheegay in Wada Xaajood uu u baahan yahay Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) ayaa sheegay in Nidaamka Federaalka Soomaaliya uu u baahan yahay in wada tashi laga sameeyo. Qadar ayaa sheegay in dhinacyada u baahan u baahan Gor-gortanka ay kamid yihiin:- Maaliyadda, Dib u eegista qaabka federaal ay Soomaalida heshiiska ku ahaaneyso, Qeybsiga Kheyraatka, Cadaaladda, Awoodda Hay’adaha Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo kuwo ...

Read More »

Goormee ayaa lagu dhawaaqayaa Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Guddomiyaha Baarlamaanka?

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isla gartay in Kulanka Berri ay Xarunta Golaha Shacabka ku leeyihiin Baarlamaanka looga dhawaaqo Magacyada Xubnaha Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Liiska Xubnaha ayaa ka koobnaan doono 15-Xubnood oo ka kala imaanaya 5-ta Beel ee Awood qeybsigeedu ku dhisan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Beel waliba xubnahaan ugu jira 3-Xubnood. Fariin Ballameedka Xildhibaanada Baarlamaanka ee Kulanka ...

Read More »

Wasiir Beyle oo Rajo ka muujisay in Deemaha laga Cafiyo Soomaaliya.

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galaya shir looga hadlayay taakulaynta iyo cafinta deymaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu rajo ka muujinayo in Soomaaliya laga cafiyo lacagaha lagu leeyahay. Shirka ayaa ka dhacay Washington DC waxa uuna Wasiir Beyle sheegay in Soomaaliya ay kasoo baxeyso Shuruudaha la hor dhigo kadib Cafinta Deemaha. Wasiir ...

Read More »

Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maanta lagu dhawaaqayo.

Sida Mustaqbal ay u sheegeen Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka waxaa maanta lagu wadaa in lagu dhawaaqo Guddiga qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Xubnaha Guddiga oo katirsan Golaha ayaa ku dhawaaqistooda kadib waxa ay sameynsan doonaan Gudoomiye iyo ku xigeeno, sidoo kalana waxa ay wada-tashi ka yeelan doonaan hannaanka Doorashada, Waqtiga la qabanayo iyo Shuruudaha Tartamayaasha. Xubnaha Guddiga la filayo ...

Read More »

Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Sharaxay Sharciga Xaq-siinta Ciidanka.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo kamid ah Xubnaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Federalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in Sharciga Xaq-siinta Ciidanka ay hor geynayaan Baarlamaanka si ay u meel mariyaan. Muhiimadda sharcigaan waxa uu ku tilmaamay in ay tahay in uu Xuquuq siinayo Ciidamada Dowladda ee da’da noqda ama Dhaawacyada sababa heer aanan shaqeyn karin uu siinayo Xuquuq. ...

Read More »