Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha (page 10)

Ciyaaraha

Pep Guardiola oo ka hadlay saameyntii Silva uu ku lahaa ku biiritaankiisii City.

Macalinka Kooxda Manchester City ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya ku biiritaankiisii kooxda iyo ciyaar yahan David Silva. Macalin Pep ayaa cadeeyay in David uu yahay ciyaar yahan kamid ah kuwii ugu wanaagsanaa ee uu abid macalin unoqdo kadib ciyaartii ay xalay 2:0 kaga adkaadeen kooxda Sunderland kulan ka tirsanaa horyaalka EPL-ka. “David Silva waxa uu kamid ...

Read More »

Waa kuwee weeraryahanadii debinka ugu badnaa ee garab dhaafka (offside) ku dhacay xili ciyaareedkan? + SAWIRO.

Kooxaha qaarada yurub ayaa badankooda ku tiirsan goolal ay kulan kasta u dhaliyaan weeraryahanadooda, inkastoo weeraryahanadaasi ay yihiin kuwo baas bax wanaagsan hadana badanaa waxay ku dhacaan debinka garab dhaafka (offside-ka). Majalada Whoscored.com ayaa soo saaray liiska shanta weeraryahan (gool dhaliye) ee ugu badan oo xili ciyaareedkan ku dhacay debinka garab dhaafka (offside). Haddii aan idiin soo gudbino liiska xidigihii ...

Read More »

Kooxda isbuuca horyaalka EPL-ka iyo qiimeynta Goal.com.

Waxaa todobaadkan horyaalka England laga ciyaaray kulamo xiiso badan iyadoo weli uu harsan yahay kulanka London Derby ee dhex maraya kooxaha West Ham United iyo Chelsea oo caawa wada ciyaaraya. Todobaadkan kulamadii xiisaha badnaa waxaa kamid ahaa kulankii dhex maray kooxaha Liverpool iyo Arsenal oo ay guul muhiim u aheyd ay gaartay kooxda Liverpool oo 3:1 kaga adkaaday dhigooda Guners. ...

Read More »

Halkee la kala marayaa tar-tanka loogu jiro kabta dahabka ee qaarada yurub (Golden Boot)?

Tartanka kabta dahabka ee qaarada yurub ayaa sanadkan waxaa uu marayaa meel xasaasi ah, xidigaha gool dhalinta ku wanaagsan ayaana dagaal ugu jira sidii ay ugu guulaysan lahaayeen abaal marintan qaaliga ah. Maamulka xiriirka kubada cagta yurub ayaa laba dhibcood u xisaabiya horyaalada Spain, Italy, England, Germany iyo Portugal halka ay hal dhic iyo bar u xisaabiyaan horyaalka France. Gool ...

Read More »

RASMI: kooxda Bayer Liverkusen oo shaqada ka ceeriyay macalin Roger Schmidt.

Kooxda Bayer Liverkusen ayaa cinwaankooda si rasmi ah ugu shaaciyay inay iska ceeriyeen macalinka kooxdooda ee Roger Schmidt maadaama uu soo hoyay natiijooyin liita. Kooxda Bayer Liverkusen ayaa haatan kaalinta 10-aad kaga jirta kala saraynta horyaalka Bundesligaha jarmalka iyagoona 30 dhibcood ka helay 23 kulan oo ay horyaalkaasi ka ciyaareen, kooxda ayaana guul daro la kulantay labadii kulan ee ugu ...

Read More »

Waa kuwee kooxaha EPL-ka oo bartamaha xili ciyaareedkan iska ceeriyay macalimiintooda? + SAWIRO.

Go’aanka ugu liita oo ay maamulka kooxaha ay qaataan ayaa ah in bartamaha xili ciyaareedka ay iska cayriyaan macalinka kooxdooda, in macalinka si kedis ah loo ceeriyo waxay muujinaysaa diyaar garoowga aan wanaagsaneen ee kooxda, mararka qaar ayaa khasab ku noqota milkiilayaasha kooxaha inay kooxda ka ceeriyaan macalinkooda haddii uu soo hoyi waayo natiijooyinkii laga filayay. Waxaa jira kooxo kamid ...

Read More »

Kooxda Arsenal oo bedelka saxda ah ee Arsen Wenger u aragta macalinka Everton ee Ronald Koeman.

Sida laga soo xigtay Daily Mirror oo ka soo baxda Britain  maamulka kooxda Arsenal ayaa rumaysan in macalinka kooxda Everton ee Ronald Koeman uu yahay macalinka ugu haboon oo maaraynta Fly Emirates Stadium kala wareegi kara macalin Arsen Wenger oo heshiiskiisa ku eg dhamaadka xili ciyaareedkan. Koeman ayaa soo jiitay indhaha maamulka kooxda The Gunners kadib markii uu shaqo cajiib ...

Read More »

Kooxda Bayern oo ka adkaatay Fc Cologne 7 dhibicna ka sara maray RB Leipzing.

Ciyaar yahan Javi Martinez ayaa goolka furitaanka dhaliyay isagoona kooxdiisa Bayern hogaanka udhiibay daqiiqadii 25-aad qeybtii hore ee ciyaarta. Goolkaas uu dhaliyay Javi Martinez ayaa waxa uu noqonayaa kiisii ugu horeeyay tan iyo bishii November ee sanadii 2015-kii oo uu dhaliyay gool wixii markaa ka dambeeyayna gool ma uusan dhalin. Bernat ayaa goolka 2-aad ee Bayern dhaliyay daqiiqad kadib markii ...

Read More »

Sirtii ka dambeesay dabaal dega Messi ee kulankii xalay oo la ogaaday.

Kadib markii Leonel Messi uu goolkii koowaad u dhaliyay kooxdiisa Barcelona kulankii ay horyaalka kaga horymaadeen kooxda Celta Vigo, Messi ayaa sameeyay dabaal deg cajiib ah. Daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta Leonel Messi ayaa afar xidig oo Celta Vigo katirsan u gooyay kadibna dhaliyay goolka taasi oo  gil gishay garoonka Capm Nou Stadium. Goolkaasi kadib Leo ayaa isagoo taageerayaasha u baaqaya ...

Read More »

Kooxaha Nice iyo PSG oo Monaco kula biiray hogaanka horyaalka France.

Kooxaha Paris-St-Germain iyo Nice ayaa hogaanka horyaalka kula biiray kooxda As Monaco kadib markii ay guul gaareen kulamadii ay shalay ciyaareen. Kooxda As Monaco ayaa iminka kaga horeysa labadan koox ee ku xiga farqiga dhanka goolasha kulankeeda ay axada maanta ah ciyaareeyso hadii ay adkaato ayey soo celin kartaa farqiga saddexda dhibic ah oo ay ka horeyso. Kooxda PSG ayaa ...

Read More »

Kooxda SSC Napoli oo Stadio Olimpico ku gumaaday kooxda AS Roma, joojisayna guulihii xiriirka ahaa ee Roma.

Kooxda SSC Napoli ayaa kooxda Roma ka gaartay guul ay u qalantay kadib markii ay 2-1 uga adkaatay kooxda Roma oo ku ciyaaraysay garoonkeeda Stadio Olimpico kulan ka tirsan kulamada 27-aad ee horyaalka Serie A-da Italy. Kooxda Napoli ayaa goolkii koowaad dhalisay daqiiqadii 26-aad waxaana u dhaliyay xidigooda xulka Belgium ee D.Mertens kadib caawin uu ka helay kabtan Marik Hamsik. ...

Read More »

Barcelona oo garaacday Celta Vigo kuna soo laabatay hogaanka Horyaalka.

Kooxda Macalin Luis Enrique ayaa 5:0 kaga adkaatay dhigooda Celta Vigo ciyaar ka tirsaneyd horyaalka dalka Spain kulanka 26-aad ayuuna u ahaa kooxda Barcelona. Lionel Messi ayaa hogaanka udhiibay kooxda Barca daqiiqadii 24-aad kubad uu la dhex maray xidigaha Celta ayuuna daba mariyay gool hayahooda. Isla qeybtii hore daqiiqadii 40-aad Neymar ayaa ka dhigay in cayaarta 2:0 ay hogaanka ku ...

Read More »