Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha (page 3)

Ciyaaraha

Sadio Mane: Oo Dib Ugu Soo Laabtay kooxda Liverpool”

W/D: ( @AbdulahiHusein_  ) Xiddiga xulka qaranka Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa ku soo laabtay Liverpool iyada oo looga shaki san yahay dhaawac cusub. Xiddiga garabka ka ciyaaraya ayaa ku bilowday kulankii uu xulka qaranka Senegal ugu soo baxay koobka adduunka iyaga oo 2/0 uga badiyay xulka koonfur Africa. Mane ayaa la filayay in uu xulka qarankiisa la ...

Read More »

Barcelona: Oo Man United Kula Loolameysa Saxiixa Antoine Griezmann”

W\Q: (Maxamed Ahmed Lio) Mustaqbalka xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann ayaa wali ah mid uu mugdi wayni ku jiro isaga oo dhamaadka xili ciyaareedkan ka bixi doona kooxda Deigo Simeone sida ahaa heshiiskii uu Atletico Madrid kula saftay markii ay FIFA suuqii xagaaga ka ganaaxday. Griezmann ayaa markaas doonayay in uu ku biiro Manchester United ...

Read More »

Cristiano Ronaldo: Oo Aabe Noqday Markii Afaraad”

W/D: ( @AbdulahiHusein_  ) Cristiano Ronaldo ayaa markii afraad aabe noqday kadib markii uu hadda ku dhawaaqay in Georgina Rodriguez  ay u dhashay ilmihii afraad ee uu aabe u noqdo, wuxuuna Ronaldo malaayiinta qof ee aduunka barihiisa bulshada kaga xidhan uu u soo bandhigay sawirka saaxiibadiisa Georgina Rodriguez  oo cisbtaal ku jirta isla markaana uu la joogo wiilkiisa Cristiano Jr. Georgina ...

Read More »

Tiemoue Bakayoko: Oo Laga Reebay Xulka Qaranka Fransa”

W\Q: (Maxamed Ahmed Lio) Xidigan oo ka  soo tagay xagaagii hore  kooxda Monaco, xiddiga reer France Tiemoue Bakayoko ayaa bilaabaya inuu saldhigto wadnaha khadka dhexe ee Chelsea. 23 jirkaan oo dhaawac ahaa bilowgii xilli ciyaareedka ayaa waxaa loo keenay inuu bedel u noqdo Nemanja Matic ka dib xilli ciyaareed fiican uu ku soo qaatay dalkiisa France. Bakayoko oo aan looga soo ...

Read More »

Chelsea: Oo 100 Milyan oo Ginni Ku Dooneeysa Weeraryahan ka Ciyaara Sera A-da”

W/D: ( @AbdulahiHusein_  ) Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Chelsea ayaa lagu waramayaa inay ka fiirsaneyso inay rikoorka suuqa kala iibsiga Britain u jabiso soo xerogelinta weeraryahanka kooxda Inter Milan Mauro Icard. Antonio Conte ayaa doonaya inuu weeraryahanka reer Argentina ka garab ciyaarsiiyo afka hore ee weerarka Chelsea xiddiga Spain Alvaro Morata, iyadoo tababaraah Talyaaniga uu raadinayo inuu sii xoojiyo ...

Read More »

Thiago Alcantara: oo muujiyay inu jecelyahay kusoo laabashada Barcelona

Xidiga khadka dhexe ee xulka qaranka Spain iyo kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara ayaa dareen fiican ka muujiyay sida uu u jecel yahay kooxdiisii caruurnimo ee Barcelona taas oo uu ka soo baxay xarunteeda caanka ah ee La Masia. Thiago ayaa kooxda kowaad ee Barcelona ka mid noqday isaga oo 18 sano jir ah wuxuuna ka mid ahaa ciyaartoydii ...

Read More »

Arsenal: “oo badelka Sanchez ka heshay isla horiyaalka Premier League”

Sida laga soo xiganayo warar lagu kalsoon yahay Arsene Wenger waxa uu bartilmaameed uu bedel uga dhigato Alexis Sancehez ka dhigtay Wilfried Zaha. Gunners waxa ay diyaar garow ugu jirtaa bixitaanka Chile-yaanka oo diiday in uu qandaras cusub u saxiixo kooxda ka dhisan waqooyiga London. Wenger waxa uu doonayey xagaagii hore in uu keeno Thomas Lemar balse waa laga diiday ...

Read More »

Man United oo mar kale suuqa dhigi doonta Marouane Fellaini

Manchester United waxa ay ogolaatay in £8 million ku iibiso Marouane Fellaini bisha Janaayo. Laacibka reer Belgium waxa uu qandaraaska ka dhacayaa gabagabada ololahan waxaana la sheegay in u diiday qandaraas cusub oo ay kooxdu u soo bandhigtay. Sunday Mirror waxa ay qoreysaa in United ogolaatay ka iibinta 29 jirka kooxda Besiktas. Mourinho waxaa lagu wargaliyey in uu iska iibiyo ...

Read More »

Musiibo Kale: Real Madrid oo xiddig muhiim ah weeyn doonta kullanka Madrid Derby

kadib dhaawacii dhawaan soo gaaray xiddiga Gareth Bale oo ku dhaawacmay xerada tababarka ee kooxda Real Madrid, mar kale ayaa kooxda caasimada Spain ka dhisan waxaa uso yeeray war aan u fiicneyn dhagaha taageerayasha faraha badan ee Real iyo maamulkeedaba. kubadd sameeyaha heerka caalami ee Isco ayaa dhaawac soo gaaray xili uu ku jiray gudashada waajibaadka xulkiisa qaranka ee Spain, waxaana ...

Read More »

5-Laacib: Oo Isugu Soo Haray Abaal Marinta Xidiga Ugu Fiican Africa”

W\Q: (Maxamed Ahmed Lio) Idaacadda BBC-da qeybteeda aduunka la hadasha ayaa soo saartay liiska musharaxiinta shanta ah ee u tartamaya ku guuleysiga xidiga ugu wanaagsan qaaradda Africa Abaalmarinta ay sanad walba bixiso BBC-da. Abaalmarintaan lasoo helay sanadkii 1992, waxey BBC-da bixisaa sanad walba iyadoo codeynta ay ka qeyb qaataan taageerayaasha qaaradda Africa kuwaas oo adeegsanaya website-ka rasmiga ah ee idaacadda BBC-da. ...

Read More »

Gareth Bale: Oo Garoomada ka Maqnaan kara inta ka Harsan Sanadka”

W/D: ( @AbdulahiHusein_  ) Xidiga dhaawac yada badan ee Bale ayay mashaqada ku sii badaneysaa oo inuu garoomada ku soo laabto iska dhaafee waxaa lagu wadaa inuu sii maqnaado inta ka harsan sanadka kaddib dhaawac hor leh oo ku soo gaaray tababarka kooxda. Tijaabooyin la marsiiyay ayaa lagu sheegay inuu gaaray dilaac muruqa ah, inkastoo la shaacin muddada uu garoomada ka ...

Read More »

Lampard: Oo Sheegay in uu Jeclaan lahaa inuu kamid noqdo Masuuliyiinta Chelsea”

W\Q: (Maxamed Ahmed Lio) Halyeeygii hore ee Chelsea Frank Lampard ayaa waxa uu sheegay in aan waddo fudud lagu imaan doonin in uu ka qabto door tababbarenimo Stamford Bridge. Bilowgii toddobaadkii hore Blues waxa ay xaqiijiyey in agaasimihii farsamada Michael Emenalo iska casilay shaqadii taas oo durbadiiba si toos ah loola xiriiriyey Lampard. Laacibka reer England waxa uu qiray in ay ...

Read More »