Home - Hirshabelle

Hirshabelle

Dadka Beledweyne oo ka walaacsan Fatahaadda Wabiga Shabeelle

Dadka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa walaac ka muujiyay fatahaadda Wabiga Shabeelle oo ay sheegeen in uu hadda buux dhaafay. Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Beledweyne ee oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Biya baxada Wabiga ay hadda dad badan ku heyso cabsi badan iyada oo biyaha Wabiga ay dhaafeen xaddiga Wabiga. Dowladda Soomaaliya,Maamulka Hirshabeelle iyo ...

Read More »

5; Askari oo ku dhimatay duleedka Balcad

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Gaari ay la socdeen Ciidanka Dowladda Somaliya. Weerarka oo ka dhacay Ilbaq oo dhanka Waqooyi ka Xiga Deegaanka  Gololeey Ee Degmad Balcad ayaa yimid kadib makii Gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen Ciidan ka tirsan Miatariga Somaliya ay rasaas ku ...

Read More »

Cali Guudlaawe “Hala gargaaro Dadka ay saameysay Fatahaadda Wabiga”.

Madaxweyne Ku xigeenka Hir-Shabeella Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa sheegay in garab ay u baahan yihiin dadka beeraleyda ah ee uu saameeyay Fatahaadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle. Waxa uu tibaaxay in Dadkaan ay soo mareen labo Marxaladood oo saameysay Noloshooda iyo Beerahooda, kuwaa oo kala ah, in Wabiga uu guray iyo in Haataan uu Karkaarada Jabsaday. Cid waliba oo ka ...

Read More »

Guddoomiyayaasha Baarlamaannada D.Goboleedyada oo ka qeybgelaya shirka dib u eegista Dastuurka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,waxaana ka qeybgelaya mas’uuliyiin kala duwan. Xubnaha ka qeybgelaya waxaa ka mid ah Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah,Ururrada Bulshada Rayidka ah,Guddoomiyaha  Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada aqal,Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Sharci yaqaanno dhinaca Dastuurka ah. Shirkan ayaa looga hadlayaa ...

Read More »

Isbeddel lagu sameeyay Nabad Sugidda Gobolka Hiiraan

Hoggaanka Taliska Nabad Suggida Maamulka Hirshabelle, ayaa isbedel ku sameeyay Saraakiisha Taliska Nabad Suggida Gobolka Hiiraan iyo kan Degmada Baledweyne. Qoraal ka soo baxay Taliyaha Nabad Suggida Maamulka Hirshabelle C/laahi Axmed Abdi Wehliye, ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday Taliyihii Nabad Suggida Gobolka Hiiraan iyo kan Magaalada Baledweyne. C/qaadir Maxamuud Abuukar oo ahaa Taliyihii Nabad Suggida Gobolka Hiiraan ayaa ...

Read More »

Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan oo Xilka laga qaaday iyo Gudoomiye loo Magacaabay.

Digreeto kasoo baxday Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, halka Gudoomiyaha Cusub loo Magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin. Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Waare iyo Gudoomiyaha Xil ka qaadista lagu sameeyay oo Soo jiitamayay Muddooyinkaan ayaa ugu dambeyn sababay in Xilka laga qaado. Cabdullaahi Axmed Maalin oo ah Ninka loo ...

Read More »

Waare: “Dad Muqdisho jooga ayaa lacag ku bixinaya joojinta dagaalka Al-shabab”

Madaxweynaha Maaulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul uga hadlay howlgallada ka dhanka ah AL-shabaab ee ka socda Gobolka Hiiraan iyo sababta keentay in howlgalkaas uu hakad galo. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in markii Maamulka Hirshabeelle uu isku dubbariday Ciidan la dagaallama Al-shabab ee ay billaabeen howlgalka oo uu sheegay in guulo muhiim ah laga gaaray rabsho laga abuuray ...

Read More »

Wasiirka Gaadiidka Hir-Shabeelle oo Sheegay in waan-waan ka wadaan Xiisado ka dhashay Garoonka Diyaaradaha Jowhar.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maamulka Hir-Shabeelle Cabdullaahi Maxamed Rooble oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in ay ku baxeen Shaqaaqo kooban oo ka dhalatay Khilaaf soo kala dhex galay Shirkadaha Diyaaradaha Qaadka ka dajiya Magaaladaasi. Khilaafka ayaa kolkii dambe sababay in la rasaaseeyo mid kamid ah Diyaaradaha Qaadka, waxaana arrintaan ku baxay mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle oo uu ...

Read More »

Jen.Caanood: ” Howgalladii todobaadkan 156 Al-shabaab ah ayaan ku dilnay”.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Jen. Cabdullahi Cali Caanood ayaa sheegay in in ka badan 150 ka mid ah Al-shabaab ay todobaadkan ku dileen Gobollada dalka sida uu yiri. Caanood ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay Gobolka Shabeellaha hoose oo kaliya ku dileen 66 ka mid ah Al-shabaab ayna hayaan Meydadka Ciidanka Al-shabaab ee dagaalkaas ku dhintay. Waxaa uu sheegay in ...

Read More »

7; Qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay Buulo Burte

Ugu yaraan 7; Qof oo Rayid ah ayaa ku dhimatay kaddib markii ay Miino la qaraxday Dadkaasi iyaga oo ku sii jeeday degmada Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha Degmada Buulo Burte ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in dadkaasi ay ka koobnaayeen Hooyo 4; Carruur ah iyo labo qof oo kale . Waxaa uu sheegay in dadka ay Miinada la ...

Read More »

Al-shabaab oo sheegay in ay qabsadeen duleedka Mahaddaay

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay saaka ciidankooda la wareegeen degaanka Cali Fooldheere oo dhaca duleedka Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Al-shabaab ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen degaankaas kaddibna ay Ciidamadooda dib u qabsadeen degaankaas oo waayadii dambe ay maamulayeen Ciidanka AMISOM. Degaanka Cali Fooldheere waxaa uu 12km dhinaca waqooyi uga beeganyahay Magaalada ...

Read More »