Home - Puntland

Puntland

Ciidamo katirsan kuwa Asluubta oo Tababar looga furay Garoowe.

Tabarkaan ayaa maanta loo furay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno waxaana ka qeyb galay furitaanka Xubno ka kala socday Dowladda Federaalka, Maamulka Puntalnd iyo Beesha Caalamka. Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare iyo Wasiirka Cadaaladda Puntland oo ka qeyb galay tababarka ayaa sheegay in u jeedka laga leeyahay uu yahay in Ciidamada la siiyo Aqoon dheeraad ah, waxna laga baro habka ...

Read More »

Gaas oo u dhoofay Imaaraadka

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo Wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta. Gaas ayaa safar qaadan doona afar cisho, wuxuu ku joogi doonaa Magaalada Abu Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaasi. C/wali Gaas oo Suxufiyiinta kula hadlay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa wuxuu sheegay ...

Read More »

Gaas oo magacaabay Taliye ku xigeenka Daraawiishta Puntland

Maadxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidamada Daraawiishta Maamulka Puntland. Xilkan waxaa loo magacaabay Siciid Axmed Maxamed (Shoodhe),waxaana lagu beddelay Dayr Xaaji Cabdi oo xilkan horay isaga casilay. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay Siciid oo horay uga tirsanaa Ciidanka Qeybta 54aad .

Read More »

Guddoomiyayaasha Baarlamaannada D.Goboleedyada oo ka qeybgelaya shirka dib u eegista Dastuurka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,waxaana ka qeybgelaya mas’uuliyiin kala duwan. Xubnaha ka qeybgelaya waxaa ka mid ah Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah,Ururrada Bulshada Rayidka ah,Guddoomiyaha  Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada aqal,Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Sharci yaqaanno dhinaca Dastuurka ah. Shirkan ayaa looga hadlayaa ...

Read More »

Gaas: “Lacagta lagu qabtay Muqdisho,qeybteenna Safiirka Imaaraadka ayaan kala hadlay”

Madaxwweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa markii ugu horresay ka hadlay lacagta lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee ay wadday diyaarad laga leeyahay Dalka Imaaraadka. Gaas,waxaa uu sheegay in lacagtaas ay Puntland ku leedahay $3.6 Milyan oo doollarka Mareykanka ah islamarkaana uu arrintaas kala hadlay danjiraha Imaaraadka ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay Madaxweynaha Puntland in arrinta ay si ...

Read More »

Gaas: “ma jirto cid noo buuxin karta kaalinta Imaaraadka”

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga Ciidanka Badda Puntland ayaa sheegay in aysan jirin dowlad ama cid kale oo u buuxin karta kaalinta ay Imaaraadka ugu jirto. Waxaa uu beeniyay in Puntland ay xiriirka ku jartay Imaaraadka isaga oo sheegay in IMaaraadka ay kaalin weyn ka qaateen tababarka Ciidanka Puntland sidoo kalena ay ...

Read More »

Gaas oo shuruud ku xiray in la kala qaado Ciidanka isku horfadhiya Tukarraq

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa shuruud adag ku xiray in la kala qaado Ciidamada Maamullada Somaliland iyo Puntland. Arrintan waxaa ay soo baxday kaddib markii Boqor Buurmadoow uu ka codsaday Madaxqweynayaasha labada Maamul in ay kala qaadaan Ciidamada isku hor fadhiya Tukarraq. Gaas ayaa sheegay in Ciidamada isku horfadhiya Degaanka Tukarraq oo la kala qaada ay ku ...

Read More »

Imaaraatka Carabta oo Joojiyay Tababarkii uu siinay Ciidamada Soomaalida.

War kasoo baxay Dowladda Isu tagga Imaaraatka Carabta ayaa lagu sheegay in ay joojiyeen Kaalmadii iyo Tababarkii Ciidan ay siinayeen Soomaaliya tan iyo 2014-kii. Imaaraatka ayaa sheegay in Xiriirka kala dhaxeeyo Soomaaliya uu sii xumaanayay Mudooyinkaan, iyagoona ugu dambeyn go’aankaan Qaatay. Intii Howshaan ay wadeen waxa ay sheegeen in ay Koofurta Soomaaliya ku tababareen 2407 Askari, sidoo kalana ay dhiseen ...

Read More »

Tababarayaashii Imaaraadka oo ka dhoofay Boosaaso

Saraakiil Milatari oo u dhashay Imaaraadka iyo Boorsooyin ay wateen ayaa ka dhoofay Garoonka Diyaarada Magaalada Boosaaso kaddib is faham waa dhexmaray Puntland iyo Imaaraadka. Dowladda Imaaraadka ayaa maamulka Puntland ku amartay in ay iska diiddo go’aanka dowladda Federaalka ah ee Ciidamada ay tababartay Imaaraadka kula wareegeyso dowladda Federaalka ah,waxaana ay saraakiisha Imaaraadka la kulmeen mas’uuliyiinta Puntland kuwaas oo ka ...

Read More »

Dil xalay ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay xalay dil ka geysteen Waqooyiga Gaalkacyo. Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Axmed Deeq Cali Hayaan, ayaa ahaa Xisaabiyihii Guud ee Dowladda Hoose Gaalkacyo, Waxaana dhowr xabadood qeybta sare ee Jirka kaga dhuftay dhalinyaro Bistoolado ku hubeysan, Kooxihii dilka geystay ayaa durbadiiba goobta isaga ...

Read More »

Diyaarado duqeyn ka geystay Degmada Qandala ee Gobolka Bari

Duqeyn diyaaradeed ayaa laga soo wariyay in ay ka dhacday Degmada Qandala ee Gobolka Bari,halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin xubno ka tirsan Ururka Daacish. Duqeynta ayaa la sheegayaa in ay ka dhacday degaan hoostaga Degmada Qandala waxaana geystay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah. Saraakiil ka mid ah Ciidanka Puntland ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday Saldhig Ururka Daacish ...

Read More »

Puntland oo duq magaalo u magacowday Degmada Laascaanood

Maamulka Puntland ayaa waxaa uu Magaalada Laasacaanood ee Xarunta Gobolka Sool u magacaabay Duq Magaalo,iyada oo magaaladaasina uu ka arrimiyo maamulka Somaliland. C/Qani Maqtal Maxamed ayaa loo magacaabay Duqa Degmada Laasacaanood ee Puntland waxaana laga qaaday Duqii hore ugu magacownaa Magaaladaas  Cabdalle Xaajir Warsame. Warqaddan lagu magacaabay Duqa Degmada Laasacaanood ee Puntland waxaa ku saxiixan Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ...

Read More »