Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Cavani iyo Di Maria oo dhalashadooda guul kabaha kula dul maray Barcelona.

Cavani iyo Di Maria oo dhalashadooda guul kabaha kula dul maray Barcelona.

Ciyaar yahanka reer Argentina ee Angel Di Maria ayaa dhaliyay 2 gool xilli ay kooxdiisu 4:0 kaga adkaatay dhigeeda Barcelona kulanka lugta koowaad ee wareega 16-ka Champions League.

Angel Di Maria ayaa goolka hore dhaliyay daqiiqadii 18-aad , waxaana goolka labaad raacsaday Julian Draxler daqiiqadii 40-aad isla qeybtii hore ee ciyaarta.

Waxaa qeybtii hore labada koox ay ku kala nasteen natiijadaas 2:0 ah waxaana nasiino kadib dib leysugu laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta.

Markii qeybtii labaad leysku soo noqday waxaa markale seeftiisa galka kala baxay Angel Di Maria oo udabaal degayay dhalashadiisa 29-aad , waxaana uu goolkiisa 2-aad dhaliyay daqiiqadii 50-aad.

Bandhigii goolasha ee kooxda PSG waxaa soo daah xeray ciyaar yahanka reer Uruguay ee Edison Cavani oo isna udabaal degayay dhalashadiisa 30-aad.

Kooxda Macalin Luis Enrique ayaa markan wajaheysa dhibaato adag oo ku aadan usoo bixitaanka wareega xiga rajadooda ayaana ah mid liidata.

Kulanka lugta 2-aad oo ay labada koox ku kala baxayaan ayaa waxa uu ka dhacayaa garoonka Camp Nou taariiqda marka ay tahay 8-da bisha March ee soo aadan.

Ad

Fikirkaada ka dhiibo