Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Kubadda Cagta - CECAFA oo Soomaaliya ka saartay Dalalka ka qeyb galaya Koobka bariga iyo Bartamaha Afrika

CECAFA oo Soomaaliya ka saartay Dalalka ka qeyb galaya Koobka bariga iyo Bartamaha Afrika

The Council for East and Central Africa Football Association CECAFA ayaa ku dhawaaqay in aanan Soomaaliya kamid aheyn Dalalka ka qeyb galaya Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacaya Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

CECAFA ayaa sabab ugu dhigay in Soomaaliya ay wali ku jirto Dagaalo, Sidaa awgeedne aysan u saamaxeen ka qeyb galka Tar-tarnkaasi.

December 3-deeda ilaa 17-keeda ayuu tartankaan socon doonaa iyadoona aanan kasoo Muuqan Doonin Soomaaliya, Waxaa jira Wadamo Tar-tarnka ka qeyb galaya oo aanan Xaalad ahaan dhaamin Soomaaliya sida:- Libya iyo Zembabwe oo Nidaam Militari Galay.

Soomaaliya ayaa ka qeyb gali jirtay Ciidamada Bariga iyo Bartamaha Afrika, waxaana Dhawaan FIFA ay bogaadisay in Xilli Habeen ah Tartan kama dambeys ah lagu qabto Garoonka Banaadir Stadium.

Arrintaan ayaa U muuqata Mid hoos u dhigeysa Tar-tamada iyo Ciyaaradaha Soomaalida ay ka qeyb qaadato, Ciidamada Midowga Afrika ayaa Saldhig Ciidan ka dhigtay Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium, taasine waxa ay keentay in Xulka Qaranka iyo Kooxaha Kubadda Cagta Soomaalida ay waayaan Xulal iyo Kooxo ugu soo marti Magaalada Muqdisho.

Jabuuti ayaa horay u sheegtay in ay noqoneyso Xulka ugu horeeyo ee Soomaaliya kula dheela qaranka Soomaalida, waloow warar mar dambe soo baxay ay sheegeen in ay ka laabteen, waxaana kadib ku dhawaaqay in booskii Jabuuti ay Galayaan Xulka Koofurta Sudan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*