Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Chelsea Oo ugu danbeyn ogolaatay In Ay David Luiz iibiso January.

Chelsea Oo ugu danbeyn ogolaatay In Ay David Luiz iibiso January.

W/D ( @AbdulahiHusein_ ) Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay go,aan Rasmi ah ka gaartay mustaqbalka xiddigeeda reer Brazilee David Luiz sida ay sheegayaan wararku

Chelsea ayaa ogolaatay in ay David Luiz amaah ku fasaxdo marka la gaaro suuqa January sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka England.

Xiddiga reer Brazil ayaan kulamo premier league ah u ciyaarin Blues tan iyo dhamaadkii bishii October.

Xiriirka kala dhexeeya Atonio Conte ayaa xumaaday taas oo keentay in uu xiddigan kursiga kaydka fadhiyo inta badan kulamadii ugu dambeeyay.

Luiz ayaa haatan kooxdiisa ugu maqan dhaawac jilibka ah laakiin waxa uu ku dhibaatoon doonaa in uu dib u helo kalsoonida Conte si uu ugu soo laabto shaxda Rasmiga ah.

Sida laga soo xiganayo wargayska The Sun  chelsea ayaa diyaar u ah in ay Luiz u ogolaato in uu amaah ku boxo marka la gaaro January.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*