Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Chelsea oo waqti dhow ku dhawaaqeysa saxiixa Bakayoko

Chelsea oo waqti dhow ku dhawaaqeysa saxiixa Bakayoko

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa Dalka Ingiriiska ayaa baahiyay in Kooxda Chelsea ay dhameystirtay saxiixa Xiddigga lagu magacaabo Bakayoko.

Xiddiggan ayey kooxda dhaafsiisatay lacag dhan €47M,waxaana Kooxaha ay ka dul qaadday ka mid ah Manchester City oo aad u daneyneysay.

Kooxda ayaa la filayaa in dhawaan ay rasmi u shaaciso saxiixeeda 1aad ee Xagaagan iyada oo Macallin Conte uu ku dadaalayo in wajiyo cusub uu la soo shir tago Xilli Ciyaareedka 2017/2018,kaas oo billaaban doona Bisha August ee soo socota.