Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Chelsea Oo War kasoo Saartay Dhaawicii N’Golo Kante imisa ayuu garoomada ka maqnaan doonaa?

Chelsea Oo War kasoo Saartay Dhaawicii N’Golo Kante imisa ayuu garoomada ka maqnaan doonaa?

W/Q: (Abdullahi Hussein)  N’Golo Kante ayaa dhabar jab hor leh ku noqday shaxda Conte kaddib markii uu u soo muuqday sida inuu garoomada ka maqnaan doonto inta ka harsan Bishan.

Xiddiga saameynta wayn ku leh qadka dhexe ayaa dib ugu soo laabtay tababara kooxda si looga daweeyo dhibaatada ka soo gaartay muruqa kaddib markii dhaawac looga saaray xulkiisa Faransiiska.

Waxaa laga cabsi qabaa inuu Kante garoomada ka maqnaado labo ilaa saddex usbuuc taa oo seejin doonta labada lug ee muhiimka ah Champions League ay la yeelan doonaan kooxda reer Talyaani ee AS Roma.

Blues ayaa waxaa horey dhaawac ceynkan oo kale ah uga maqnaa dhaliyahooda cusub ee Morata kaa oo laga saaray garoonka ciyaartii Manchester City.

Weeraryahanka reer Spain ayaa seegi doona kulanka ay Chelsea usbuucan la dheeli doonto kooxda dhibtooneysa ee Crystal Palace oo aan wax guul iyo goolba helin ilaa hadda Premier League.

Kante oo isagu ku dhaawacmay ciyaartii uu xulkiisa la yeeshay Bulgaria sabtidii ayaa tijaabooyin hore daaha ka rogay inay waqti qaadan karto si dib loogu soo celiyo taam ahaanshihiisa.