Home - Wararka Somalia - Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo xalay ku dagaallamay Qoryooley

Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab oo xalay ku dagaallamay Qoryooley

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa xalay ku dagaallamay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalkaan ayaa dhacay xalay waxaana la weeraray fariisin ciidamada dowladda dowladda ay ku leeyihiin degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose.

Xiliga dagaalka uu dhacaye waxaa socdaal degmooyin ay kamid tahay qoryooley ku maraye mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolka oo uu hogaaminaye gudoomiyaha Sh/Hoose Hoose Ibraahim Aadan Najax.

Gaashaanle Sare Cabdi Ibraahim Shaamoow cabdi dheere Taliyaha qeybta Booliska G/Sh/Hoose ayaa sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo uu sheegay in uu ahaa mid kooban uu ku ek yahay Xarakada Al-Shabaab oo uu tilmaamay in ay weerarku soo qaadeen.

Ad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*