Home - Wararka Somalia - Ciidamo ka gadoodsan Mushaar la’aan oo xiray Waddada Warshadaha Muqdisho

Ciidamo ka gadoodsan Mushaar la’aan oo xiray Waddada Warshadaha Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa xiray Waddada Warshadaha ee Magalaada Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan.

Ciidamadan ayaa ka gadoodsan Mushaarkooda oo aysan muddo qaadan,waxaana wararku ay intaas ku darayaan in ay saraakiishooda qaateen mushaarka iyagana mushaar la’aanyihiin.

Ciidamada ayaa xiray Waddada u dhaxeysa Wasaaaradda Gaashaandhigga illaa Kulliyadda Jaalle Siyaas oo u dhow Wasaaradda.

Saraakiil ka mid ah Ciidamada oo codsaday in aanan Magacooda baahin ayaa inoo sheegay in Saraakiish Ciidamada ay qaateen Mushaarkooda Askartana aysan qaadan wali.

Ciidamada ayaa dadka iyo Gaadiidka u diidaya Waddada Warshadaha waxaana ay ku xireen dhagxaan,halkaas oo ay dadweyne badan adeegsadaan maalin waliba.

Ad

Fikirkaada ka dhiibo