Home - Wararka Somalia - Ciidanka Ciraaq oo la wareegay Kirkuk

Ciidanka Ciraaq oo la wareegay Kirkuk

Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa si lama filaan ah ula wareegay Magaalada Kirkuk ee Dalkaasi oo ay shalay maamulayeen Ciidamada Peshmarga ee Kurdiyiinta taabacsan.

Ciidamada Kurdiyiinta ayaa shalay sheegay in Magaalada Kirkuk ay sida Quddus oo kale u difaacan doonaan,waxaana la hadalhayay in Magaalada uu ka dhici doono dagaal lagu hoobto.

Hayeeshee 15 Saacadood ayey Ciidamada dowladda Ciraaq iyo kuwa shiicadaha ah ku qaadatay in ay magaalada ku qabsadaan iyada oo aysan dagaal la gelin Ciidamadii Kurdiyiinta ee Magaalada Maamulayay.

Ciidamada la dagaallanka Argagixisada Ciraaq ee uu Mareukanka tababaray ayaa lagu arkayaa bartamaha Magaalada,DHismayaasha muhiimka ah iyo xarumaha dowladda ee ay Kurdiyiinta maamulayeen.

Ciidamada Ciraaq ee la wareegay Magaalada ayaa Calanka Ciraaq ka suray magaalada kana dajiyay kii Kurdiyiinta oo Magaalada ka babanayay.

Magaalada Kirkuk waxaa ay hodan ku tahay Saliidda waxaana laga soo saaraa 4% Shidaalka Caalamka laga adeegsado hadda,taas oo ah sababta dowladda Ciraaq ku dedejisay in ay magaalada ku qaaddo guluf dagaal oo ay dib ugala wareegeyso Ciidamada Kurdiyiinta ah.

Magaalada Kirkuk Ciidanka Ciraaq waxaa ay isaga carareen Sanadkii 2014kii markaas oo Ciidamad Daacish ay kuwa dowladda ku qasbeen in ay isaga baxaan kaddib dagaal xoog leh oo ay magaalada ku qaadeen.

Kurdiyiinta wali kama hadlin sababta Magaaladii ay geliyeen 6,000 oo Askari ay uga baxeen iyada oo aanay dagaal la gelin Ciidamada dowladda Ciraaq,waxaana soo baxaya warar sheegaya in uu khilaaf kala dhexgalay madaxda Kurdiyiinta  oo labo garab u kala jabay.

One comment

  1. Thank you for the good writeup. It actually used to be a entertainment account it. Look complex to far introduced agreeable from you! However, how can we keep up a correspondence?