Home - Wararka Somalia - Ciidanka Dowladda oo Bandow saaray Xudur

Ciidanka Dowladda oo Bandow saaray Xudur

Saraakiisha ciidamada dawlada federalka Soomaaliya ayaa sheegay inay degmada Xudur iyo deegaano hoosyimaada ay kusoo rogeen Bandow kadib markii ay maqleen inay Al-Shabaab qorshaynayaan weeraro ka dhan ah xarumaha dawlada Soomaaliya.

Kornayl Maxamed Yare oo ka tirsan saraakiisha Amniga ee degmada Xudur ugu magacaaban dawlada Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay heleen Xog sheegaysa inay Al-Shabaab qorshaynayaan weerar ay kusoo qaadayaan degmada Xudur sidaas darteedna ay ka hortagayaan.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay degmadaasi ay ka bilaabayaan hawlgalo lagu baadi goobayo Al-Shabaab iyadoo sidoo kale arintan ay kusoo aadayso xili dhawaan lagu waddo degmadasi inay ka dhacdo doorashada Maamulka degmada.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Bakool ayaa dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab,waxaana ay dhowr jeer ku dagaallameen degaannada hoostaga Xudur ee Gobolka Bakool

4 comments

  1. Really enjoyed this article.Thanks Again. Fantastic.

  2. wow, awesome article post. Keep writing.

  3. Appreciate you sharing, great blog article.Really thank you! Cool.

  4. I value the article post.Really thank you! Will read on…