Home - Wararka Somalia - Ciidanka NISA iyo Alfa oo la wareegay Magaalada Hobyo

Ciidanka NISA iyo Alfa oo la wareegay Magaalada Hobyo

Safarka Madweynaha Soomaaliya ee Gobollada Dalka ayaa la filayaa in maanta la soo gaba gabeeyo iyada oo Madaxweynaha uu maanta tagayo Magaalada  Hobyo  oo ka kala tirsan  Gobolka Mudug.

Amniga Guud ee Hobyo ayaa aad loo adkeeyay, Waxaana Goobaha uu tagayo Madaxweynaha la wareegay Ciidanka Madaxweyne Farmaajo horay ukexeystay, Kuwii Galmudugna waxey sugayaan amniga meelaha laga soo galo Magaalada Hobyo

Taliyaha Daraawiishta Galmudug ee Gobolka Mudug Xsaan Faarax Kaarshe ayaa Saxaafada usheegay in amniga suganyahay ayna udiyaar garoobeen Soo dhaweynta Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo

Dhinaca Kale Maareeyaha garoonka Diyaaradaha Hobyo ayaa isna dhankiis aka waramaya Wufuuda ilaa hada ka soo dagatay Garoonka ee horu dhaca u ah Wafdiga Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Madaxweynaha waxaa la filayaa Sidoo Kale in uu Cadaado kula kulmo Odayaasha Magaalada oo saluug ka keenay in Maamulka Galmuudg inuu u guuro Caasimaddiisa Dhuusamareeb.

Safarka Madaxweynaha ayaa qaatay 15 maalmood,waxaana uu socdaalkiisa ka billaabaya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland,isaga oo booqday magaalooyin badan oo Puntland ka mid ah sidoo kale waxaa uu booqday Magaalooyinka Galmudug oo uu ilaa hadda ku jiro.

Booqashada uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya ku tagey Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxay is bedel bilow ahi ka dhalisay colaad in muddo ahba u dhaxeysay beelo wada dhashay oo magaaladaasi wada degga.

Caabudwaaq waxay ka mid tahay magaalooyinka ay ku dambeeyan dilalka aanooyinka xagga beelaha la xiriira, taa oo baqdin ku dhalisay dadka deegaanka, kuna adkaatay inay si caadi ahi isu dhex maraan.

Madaxweynaha Somaliya oo toddobaadkii hore Magaalada Gaalkacyo ka bilaabay dadaalo nabadeed, oo la’isugu soo dhaweynayo beelaha walaalaha ah, ayaa baaqiisa nabadda xambaarsan gaarsiiyay bulshada reer Caabudwaaq.

Madaxweynaha, ayaa Axadii bilaabay inuu Magaalada Caabudwaaq kula kulmo Odayaasha Dhaqanka, Culima’udiinka, Waxgaradka iyo qaybaha kale ee bulshada, isagoo ugu yeeraayay inay nabadda u wada istaaggaan.

Dadka reer Caabudwaaq waxay hadda u muuqaan kuwo soo dhaweeyay baaqa uu soo gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo, waxayna bilaabeen inay is dhex socdaan.