Home - Wararka Somalia - Ciidanka Puntland oo howlgallo ka wada Buuraha Calmadow iyo Cal Miskaat

Ciidanka Puntland oo howlgallo ka wada Buuraha Calmadow iyo Cal Miskaat

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa wada howlgallo ka dhan ah Ururka Daacish ee ku sugan Buuraha Cali Madow iyo Cal Miskaat ee Gobollada Bari iyo Sanaag.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegaya in howlgalkan ay sii wadi doonaan ilaa Ciidamada Ururka Daacish ee saldhigyda ku leh Buuraleyda Goolis ay ka saarayaan.

Howlgallada ayaa xoogooda ka socda Tuulooyinka Beeliwacatay iyo Balidhidin,waxaana ay sheegayaan in si fool ka fool ah aysan wali isaga hor imaan Ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish,haseyeeshee ay doonaan in saldhigyada Daacish ee degaannadaas ay baabi’iyaan.

Qaramada Midoobey ayaa warbixin ay dhawaan soo saartay ku sheegtay in Ururka Daacish uu ku sii fidayo degaannada Maamulka Puntland ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*