Maamulaha Kooxda Rangers ee Scotland Pedro Caixinha,ayaa ciyaartooydiisa ka mamnuucay in ay ku ciyaaraan Kabaha uu midibkooda Cagaaranyahay.
Waxaa uu Maamule Caixinha,ku doodayaa in Kabaha Cagaaran uu midabkooda u egtayahay Kooxda Celtic Maaliyadda ay ku ciyaarto sidaas darteedna Ciyaartooygii lagu arko uu wajihi karo ganaax uu diyaariyay Maamulka Kooxda Rangers.
Tabaraha ayaa la magaacabay Mishii March ee Sanadkan waxaana uu xusay in uusan wax dul qaad ah u heyn Ciyaaryahankii xirta Kabaha Cagaaran,sidoo kale taageerayaasha Kooxda ayaa looga digay in ay sameystaan Astaamaha cagaarka ah ee Kooxda Rangers si aanay ugu ekaan Kooxda Celtic ee ay xafiiltamaan.
Rangers ayaa dib ugu soo laabatay fasaxii kaddib guul 1-0 ah oo ay ku quusisay Kooxda Niederkorn,si ay ugu soo baxdo Koobka Uerope league Sanadkan.
W/Q:Adam Ibrahim Farah (Showqi)
Adamshowqi@gmail.com
Mustaqbal Radio.