Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Cristiano Ronaldo iyo Carvajal Oo dib ugu soo laabtay tababarka kooxda Real Madrid.

Cristiano Ronaldo iyo Carvajal Oo dib ugu soo laabtay tababarka kooxda Real Madrid.

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayuu war fiican u soo baxay.

Kaliya labadii xiddig ee dhaawaca uga maqnaa kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo iyo Dani Carvajal ayaa maanta si buuxda u dhamaystay tababarka buuxa ee uu bixiyo tababare Zidane.

Labada xiddig ayaa ku bilaaban doona kulanka Finalka champions League waxana ay haystaan 10 maalmood oo ay si fiican isugu diyaariyaan.

Tababarka uu Zidane diyaariyay ayaa ka koobnaa 3 qaybood oo kala duwan oo muhiim ah waliba tijaabin fiican ah.

Tababarka ugu horeeyay ayaa ahaa mid jir ahaan ah halka uu mid kale kala ahaa maamulida kubada midkii ugu dambeeyay ayaa ahaa baaska kubada iyo waliba dhamaystirka.

Zidane ayaa ka fiirsan doona in uu labada xiddig qayb ka ciyaarsiiyo kulanka ugu dambeeya ee horyaalka La Liga si ay isugu diyaariyaan kulanka Finalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*