Home - Barnaamijyo - Ciyaaraha - Cristiano Ronaldo oo Xalay Labo Rikoor oo Cajiib ah ka Dhigay Champions League.

Cristiano Ronaldo oo Xalay Labo Rikoor oo Cajiib ah ka Dhigay Champions League.

W/D ( @AbdulahiHusein_ ) Cristiano Ronaldo ayaa xalay Taariikh cusub u dhigay Champions League kaddib goolkii uu ka dhaliyay Dortmund ciyaartii ay kaga adkaadeen 3-2.

Goolka oo ahaa mid cajiib  ayaa sidoo kale sameeyay Labo Rikoodh. Mid uu ku bar bareeyay Lionel Messi iyo mid isaga u gaar ah.

Ronaldo ayaa sidoo kale xalay soo bar bareeyay rikoodh u yiilay ninka ay xifaltamaan ee Messi kaa oo ahaa goolasha ugu badan ee lagu dhaliyo wareega group yada 60-gool.

Xiddiga Real Mdrid ayaa sidoo kale iminka hogaaminaya gool dhalinta Champions League ee xilli ciyaareedkan oo wuxuu sii cago cageynayaa 9-gool.

Xiddiga reer Portugal ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay Taariikhda oo goolal dhaliya dhammaan lixda kulan ee wareega Group yada Champions League oo ma jiro cid horey  sidaa u sameysay.

6-daan  Kulan  ayuu Shabaqa Soo Taabtay.

✅ APOEL

✅ Dortmund

✅ Tottenham

✅ Tottenham

✅ APOEL

✅ Dortmund

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*