Home - Wararka Somalia - D.Federalka oo mamnuucday Kooxda Al-Saaddicuun Bil xaq,Maqal

D.Federalka oo mamnuucday Kooxda Al-Saaddicuun Bil xaq,Maqal

Muqdisho: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa mamuucday koox dhawaan looga dhawaaqay Waddamo ay ka mid tahay Soomalaiya lana yiraahdo Al-saaddicuuna Bil xaq.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Cismaan Aadan Dhuubow ayaa War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaahinta u qariyay Warbaahinta waxaan uu xusay in kooxdaas laga mamnuucay Soomaaliya.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Dolwadda Federaalka ah ay go’aankaas qaadatay kaddib markii ay la xiriirtay Waddamo kale oo looga dhawaaqay,sidoo kalena aragtay go’aanka cad ee culimada Soomaaliyeed ka qaateen ururkan.

Waxaa uu intaas ku daray in kooxdan laga mamnuucay Soomaaliya oo aysan soo saari karin bayaanad Maqal,Muuqaal iyo Qoraal ah,sidoo kalena qaban karin shirar iyo Muxaadarooyin la xiriira ujeedadooda.

Wasiir Dhuubow waxaa uu kooxdan ku tilmaamay in ay qatar ku tahay amniga Umadda Soomaaliyeed iyo Caqiidadoodaba waxaana uu shaaciyay in Dowladda Federaalka ah ay kooxdani mamnuucday.

      Cod Wasaarada
Ad

Fikirkaada ka dhiibo