Home - Wararka Somalia - Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho

Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan labo qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qarax ka dhacay agagaarka Jaamacadda Gaheyr ee Magaalada Muqdisho.

Qarax oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ku dhintay labo qof oo dadka degaanka ay sheegeen in ay waddada marareen kuwaas oo la kulmay xilliga ay Miinada Qaraxday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in ay maqleen Qarax xoog leh,markii ay goobta tageenna ku arkeen Labo qof oo shacab ah,kuwaas oo uu Meydkooda meesha yaallo.

Ilaa hadda lama aqoonsan labada Qof ee Qaraxaas ku dhimatay,waxaana goobta isugu soo baxay Dadka degaanka oo la yaabbanaa sida ay halkaas wax uga dhaceen.

Ma jorto cid sheegatay sidoo kale dadka degaanka masheegin cidda bartilmaameedka ahayd maaddaama waddada ay tahay mid shacabka ay aad ugu badanyihiin.