Home - Wararka Somalia - Dadkii ku dhintay Afgambiga Turkiga oo Taallo loo dhisay

Dadkii ku dhintay Afgambiga Turkiga oo Taallo loo dhisay

Afgambigii dhicisoobay ee Dalka Turkiga ayaa waxaa ka soo wareegtay Sanad,waxaana wali socda gulufka ka dhanka ah kacdoon wadayaashii ku fahsilmay Afgambiga.

Sanad kaddib ayey Dowladda Turkiga Shaqada ka joojisay 7,000 oo Shaqaale dowladeed ahaa lalana xiriirinayo Wadaadka Fatxullahi Gulaam oo lagu eedeeyay afgambigii dhicisoobay.

260; Qof ayaa ku dhintay Afgambigaas waxaana ku dhaawacmay 2,196 Qof oo shacab u badan,kuwaas oo ka hortagay Ciidamadii Afgambiga sameeyay.

Wajiyada 260-ka Qof ee ku dhintay Habeenkii Afgambiga dhicisoobay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ku dhawaaqay in maanta ay fasax Qaran tahay sidoo kalena Dowladda ay maanta xarigga ka jareyso Taallo loo dhisay Dadkii 260ka ahaa ee ku dhintay Afgamigaas.

In ka badan 150,000 oo Qof ayaa shaqada laga ceyriy,kuwaas oo isugu jira Ciidamada dowladda iyo Shaqaalaha Rayidka ah,waxaana xabsiga la dhigay 50,000 oo kale.

Madaxweyne Erdigan ayaa dadka uu shaqada ka ceyriyay ku sifeeyay kuwo qiyaamay Qaranka ,sidaas darteedna ay tahay in ay meelaha kale ka xamaashaan oo ay ka tagaan shaqada Dowladda.